Somalidu waxay hadal hayn u leedahay; NABAD IYO CAANO ama NABAD IYO BARWAQO (PEACE AND PROSPERITY). Nabad galyadu waa halbolaha horumarka iyo dawlad nimada. Haddii nabad galyadu khal khal gasho, qaran iyo horumarna jiri mayo. Sida daradeed, nabadgalyadu waa in la wada ilaashado, oon dawlad oo kaliya lagu halayn. Teeda kalana waa in ilaalinta nabada gacanta loo galin cid gaara oo siyaasad ahaan ama shakhsi ahaan uga faa’iidaysta. Haddaba, si ay nabad warta u hirgasho, waa in la abuuro KOMISHANKA NABADGALYAD QARANKA. Komishankani oo la shaqeeyan Golaha Guurtida.
RIIX Link-kani, si aad u daalacatid shuruudaha Golaha Guurtida ee mustaqbalka: https://www.somalilandfirst.com/so/maxaa-udanna-somaliland/security/
Komishanka Nabadgalyada Qaranaku waa inuu ka koobnaan:
- Gudi Nabadgalyada Magaalada. Gudidani oo dadka daganku iska soo xulaan.
- Dawlada hoose: Mayarada iyo Golaha Deganka.
- Wasaarada Arimaha Gudaha, Badhasabda, iyo Sarakiisha Booliska (Degmooyinka).
- Oday dhaqameedka (Deganada Miyiga)
Haddaba, si Komishankani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Komishanka Nabadgalyada Qaranka, labada golana laga ansixiyo.