SOMALILAND-KOW (SOMALILAND-FIRST)

SOMALILAND-FIRST (SOMALILAND-KOW)

“SOMALILAND QABIIL MA’AHA, EE WAA QARAN, DADKIISA U HORSEEDAYA: – NABAD, CADALAD IYO BARWAARO”

Sanadkii hore ee 2023, waxaa dalka ka dhacay, dhacdo oday dhaqameedo ku go’aamiyeen sida Ururada iyo Xusbiyada Siyaasadu doorashada ugu tartami doonan.

Odayasha dhaqanku waxay ku taliyeen in saddexda Xusbi ee hada jira ay ku tartaman doorashada Madaxtooyada. Halka Ururada Siyaasada iyo Saddexda Xusbi ee jira ku tartami doonan in ay noqdan Xisbiyada Qaran ee Mustaqbalka.

Go’aanka odayaashu wuxuu meesha ka saray xukunkii Maxkamada Sare, go’aankii Komishanka Doorashada, iyo saxeexii Madaxwaynaha, ee odhanayay in Ururada Siyadada iyo Saddexda xusbiyada qaranka ee hada jira ay marka hore ku tartaman in ay noqdab saddexda Xusbi Qaran ee mustaqbalka. Kadibna saddexda Urur Qaran ee soo baxa ku tartaman doorashada Madaxtooyada.

Go’aanka odayaashu waxay ka turjimaysa in habkeeni dawladnimo la NAAQUSIYAY.

Haddaba, markasta oo siyaasiyiintu isqab qabsadan, kuma jiri karno in ay oday dhaqameedo la dhaq dhaqaajiyo.

Waxay ahayd in habka Dawladnimo shaqeeyo, oon loo bahnaan oday dhaqameedo.

Waxa nasiib daro ah in habkii dawladnimo ee aynu Laba iyo Sodanka (32) sano dhisaynay lagu celiyo halkii aynu ka bilaabnay ee talada dalka Odayaasha dhaqanku go’aaminayeen.

Somalidu waxay tidhaa ‘Milal dushii lama dhayo’.

Arimaha keenaya is qab qabsiga siyaasiyiinta waa in hoos loogu daadago, oo markasta xal ku meel gadha lagu xalin.

 MAXAA KEENAY IN ODAY DHAQAMEEDO TALADA DALKA LA WAREEGAN?

Waxaa keenay saddexda Xusbi Qaran ee aynu islahayn habka Beelaha halagaga baxo, in ay dib inoogu celiyay QABYALAD. Noqdeena Xusbiyo QABIIL.

Hogaamiya yaasha xusbiyadu waxay u arkeen in ay iyaga ugu badinayso in ummada Beelo u qaybiyaan.

Haddaba, SIYAASIYIINTANI waxaanay meesha ku darsan in ayna dalka xukumi karin, haddii ayna ummada midayn, xusbiyadu noqon Xusbiyo qaran oo beelaha Somaliland wada daga ay leeyihiin.

Somaliland waxaa leh Dadka ku wada nool, lakiin Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Madaxwaynahu ma laha.

Waxaa la gadhay wakhtigii Ummada Somaliland dhisan lahayd Dawlada la wada leeyahay oo ka turjinta Danta Qaranka.

Musharaxiintu Madaxwaynuhu waa in ay ogadan in ay dadku Xoolo xero ugu jira ahan, ooy markasta been ka iibinayan. Waa in ay ogan in ay dadku xor u yihiin fikirkooda iyo codkooda, qofka dantooda ka arkana U-codaynayaan.

Ma rabno inay Somaliland noqoto dal laba qof oo kurso dooni burburiyan, sida dalalka :-

Somaliya, Koonfurta Suudan, iyo Suudan.

  • Somaliy, markii maamulkii kali taliyaha ahaa ee Siyaad Bare la iska riday. Cali Mahdi iyo Caydiid ayaa xukunka ku dagalamayay – Halka ay SOMALIA ku danbaysana iyaga ayaa sabab u ahaa.
  • Dalka Koonfurta Suudan, waxaa xukunka ku dagalamaya Madaxwayne Salva Kiir iyo M/ku xigeen Riek Majar. Oo ka soo kala jeeda laba qoomiyeed ee kala ah DINKA & NUER. Dagalka Sokeeye waxaa ku dhintay 50,000. Waxaana ku barakacay 2.3 million.
  • Halka dalka Suudan ay ku dagalamayan, Madaxwayne C/Fatax Al-Burgani iyo M/ku xigeen Moxamed Handan Dagalo  (HEMETI).
  • Haddaba, ma rabno in ay Muuse iyo Cabdiraxman ay isku keen qabsadan.

Teeda kale, Gala-Dagalku meel kasta waa jooga, ee waa in aynu iska ilaalino in ay qof noocasi oo kali ahi dalka inaga burburiyo.

Doorashadani waa in aynu saddex qolo iska ilaalino:

  1. Oday dhaqameed hunguri doona, oo Siyaasi noqday.
  2. Siyaasi Hungri doona, oo faaruqa, af-miishara, xil-doona oon waxba aaminsanay. Iyo
  3. Taajir hanti uu dhaco raba oo ummada u haysta in ay xoolo la iibsan karo yihiin.

 

DIMUQRADIYADA.

Dimuqradiyada waxaa asaas u ah AAMINADA (Trust). Xusbiga aad taageersan tahay ma-ahe, xusbiga kale, fikir ahaan haddii aad kaga soo horjeedo, aanad u aragtid inuu yahay Xusbi adiga ama beeshada dhibato u keenayn. Marka haddii doorashada ku guulaystan waad u hanayn kartaa.

Lakiin, haddii aad u ‘ARAGTIDA’ in xusbiga kale uu yahay mid xun oo cadaw ah, ood waxaad xaq u leedahay kaa qadaya. Markaa waxay noqonaysa in aanad aqbalin natiijada dhoorasha xataa haddii uu ku guulaysto.

Waxa aynu u bahan nahay hab-dawladeed oo inagu haga wadada dawlanimo ee saxa ah.

Haddaba, Habka-dawladnimo ee wadada Saxa ah inagu ridaysaa waa mida;

  • Nabadu tahay – Mid Shacabka iyo Dawladu wada Ilashadan
  • Cadaaladu tahay – Mid madax banaan, oo xukumada ka madax banaan.
  • Dhaqaaluhu yahay – Mid ay ka taliyan khubaro aqoon u leh dhaqaalaha, helana nidam dawladeed oo fulin kara talooyinkooda.

 

ARAGTIDA ISBAHAYSIGA MUWADINIINTA SOMALILAND.

Waxaan qoralkani ku soo bandhigaynaa ARAGTIDA (VISSION) Isbahaysiga Muwadiyiinta Somaliland oo loogu magac daray.  “SOMALILAND FIRST” AMA “SOMALILAND KOW”.

Ujeedadiisu Aragtidani ay ka duulaysa waxa kow ka ah: –

  • Midaynta Ummada Somaliland iyo Laba.
  • Siddii Somaliland looga hirgalin lahaa hab-dawladeed oo Nabad, Cadalad iyo dhaqaale la wada leeyahay u horseeda.

 

RABITAANKA SIYAASIGA IYO RABITAANKA SHACABKA

Siyaasigu muxuu doonayaan?

Siyaasigu wuxuu doonaya – KURSI IYO XIL Wado kasta oo ku gadhi karan wuu u marayaa.

Hadaba, Shacabka maxay doonaynaa?

Waxa ugu yar ee shacabku rabaan waa:- IN AY NAFTOODA IYO HANTIDOODA ka badbaado Siyaasiyiinta hamuumta u qaba Kursi. Iyo Nidam dawladnimo oo Cadaalada iyo Horumar Dhaqaale dalka u horseeda.

  • Dadku waxay raban inay nolol fiican helan. Nolasha fiicana waxay ka jirtaa Meesha ay Nabad, Cadaalad iyo dhaqaalo ka jiro.
  • Nololi waxay la heli karaa marka aynu inagu kala badbaadno.

Haddii aynu dib u jaleecno, siyaasiyiintu xoog inaguma qabsan ee CODKEENA ayay ku gadheen (ama ku gadhi doonan) kuraasta iyo xilalka ay raban. Hadaba, waa in aynaan CODKEENA mar danbe si dhayal dhayal ku bixin. SIYAASIGII RABITAANKA SHACABKA TAAGEERINA WAA IN AYNAAN U-CODAYN.

SIYAASIYIINTA SOMALILAND

“SOMALILAND DHIBATO HAYSATA OON SIYAASIYIIN AHAYNI MA JIRTO.”

Illaa lixdankii (1960) illaa maanta waxay siyaasiyeenteenu ka kori la’ yihiin in ay dantooda shakhsi ka hor mariyan ta DANTA GUUD.

Xoriyadii Lixdankii aynu iska tuurnay waxaa sabab u ahaa is qabqabsigii siyaasiyiinta. Saddex iyo Lixdan (63) sanno ka dibna waxa aynu calamka ka baryayna in ay MAR LABAAD INA ICTIRAAFAAN.

 

DIMUQRADIYADII DHICISAW DAY.

Dawlada ka dhalatay midawgii sharci darada ahaa ee Somaliya iyo Somaliland, waxay ku bilaabmatay habka dimuqradiyada ah.

Lakiin in ay dhicisawdo waxaa sabab u ahaa qabyalada iyo dawlad xumo. Taasi waxaa ka faa’iidaystay kaligii taliye Siyaad Barre ee ummadni Somaliland xasuuqay.

SADDEXDA XUSBI QARAN?

Qaladadii dawlada Somaliya ee lixdameeyadii, iyada oo laga faa’iidaysanayo. Isla markana, la rabo in ummadana la mideeyo, ku dhaqanka qabyalada la yareeyo, ayaa xusbiyada siyaasada loogu koobay saddex Xusbi Qaran. Lakiin, saddexda Xusbi Siyaasadee waxay qabyalada u isticmaaleen si ay ummada ugu kala qayb qaybiyan.

Nabada ay ummadani Laba iyo Sodanka (32) sanno ay ilaashanaysana ay khal khal galiyeen. Haddaba, haddii aynaa soo afjarin muranka siyaasadeed ee soo noqnoqanaya oo aan xal wara loo helin. Marka, waxay gadhi doonta in aynu dhexdeena dad badan iska dilno, magaalooyinka aynu dib u dhisanay iska burburino, hantida sida aynu ognahay ku helnay ay mar labaad burburto.

HADDABA, WAXAA LA GAADHAY WAKHTIGII AYNU KA TASHAN LAHAYN XUSBIYADA QABYALADA KU DHISAN.

Waxaa loo bahan yahay in dadka Somaliland lexejecladu ka hayso ee dalkooda iyo dadkooda jeceli in ay u midooban siddii; Hab-dawladnimo oo inoo horseeda Nabad, Cadaalada iyo Horumar dhamays tiran loo gadhi lahaa.

 

  1. NABAD-GALYADA

 

“Nabad-cago adag ku tagan oo ciddii Af iyo Adin ku faragalisa, waa in meel fag laga dayo”.

Nabad-Galyada waa in aanay noqon mid siyaasi Xusi Qabiil lagu doortay uu maamulo. Sida daradeed, Nabad-Galyadu waa in ay noqoto mid Shicibka iyo Dawlada ay wada ilaashadan. Dalalka dhulkooda ka hirgaliyan Nabad waarta waa in aynu wax ka barano. Sida dalka RWANDA.

Ruwanda, waa dal yar oo qarada Afrika ku yala oo ku guulaystay inay labada qoomiyeed ee dalka wada dagana ee 1994 xasuuqa isku gaystay in ay maanta nabad ku wada noolada. Isla markana Ruwandi noqotay dalalka ugu horeeya xaga Nabad-Galyada Qarada Afrika.

XOOJINTA NABAD-GALYADA.

Waa in daraasad lagu sameeyo sida Nabada loo xoojin lahaa, waana in la abuuro Road-Map (Axdi Qarameed) dalka u horseeda Nabad Waarta. Road-mapkana waa in lagu qeexo ciqaabaha mutaysanayo ciddii Nabada khal-khal galisa.

Haddaba, si Nabad-Galyo waarta loo helo. Waa in marka hore la soo xulo ISBAHYSIGA NABADA, oo ugu yaran 150 qof oo aqoon yahano ah, oon siyaasiyiin kursi doona ahayn. Dadkaasi oo noqonaya musdanbeedka Nabad-Galyada Somaliland.

Dadkani waxaa si siman looga soo xulan doona Beelaha Somaliland wada dega, ama degmooyin ay ku nool yihiin.

Qofka ISBAHYSIGA NABADA ka mid noqonayaa waa inuu noqdo qof

  • Aqoon yahana
  • Daacada
  • Wadanka Jecel
  • Ahna qof ka shaqeeya Nabada iyo Wada jirka ummada Somaliland.
  • Waana inuu yahay qof XALAAL QUUTA ah.

Hawsha ugu horaysa ee ISBAHAYSIGANI qabanayaa waxay tahay, in ay curiyaan Road-Mabka (Axdi qarameed) Nabada-Galyada dalka oo ka kooban qodabo xasaasiga ah iyo Xeerar lagu dhaqayo Nabda-galyada.

Road-Mapka ka dib, waa in Xubnaha ISBAHYSIGA NABADA iska soo xulayan 15 xubnood oo Komishanka Nabada-Galyada Qaranka noqonaya. Kuwaasi oo ka soo kala jeeda Beelaha Somaliland wada daga.

Shaqada Komishankani waxay noqonaysa inay Nabada ilaaliyan. CIDDII NABAD GALYADA KHAL KHAL GALISANA GACAN BIRA KU QABTAAN.

Haddaba, mar hadddii aynaan wakhtigan habka Beelaha ka guuraynin, waxaa fiican in si-siman Beeluhu uga dhex muuqdan ISBAHAYSIGA NABADA IYO KOMISHANKANADA maamulaya arimaha xasaasiga ah sida:-

  • Nabad-galyada
  • Cadalada iyo
  • Dhaqaalaha

Road-Mapka (Axdi-Qarameed): Qodabada asaasiga u ah

A) Ciidanka Qaranka.

Ciidanka Qaranku waa hay’da ugu saraysa ee sugta Nabada, sida daradeed waxaana loo bahan yahay in ayna ku milmin siyaasada qabyalada ku dhisan, isla markana ayna qabyalada dhexdeenu samayn ku yeelan. Waa in ay noqdan Ciidan midaysan, oo difaaca Qaranka u midaysan.

Teeda kale, waa in Ciidanku noqdo Ciidan u shaqeeya Qaranka ee aanu noqon Ciidan Siyaasi u shaqeeya, ama siyaasiga ku shaqaysto.

Waana in ay Beelaha dalku si cadaalada uga muuqdan. Sida daradeed, waa inuu jiro Komishan u gaara. Masuuliyada Komishankani noqdo daryeelka Ciidan, tayeentooda , iyo abaal marintooda (ama dalacsiintooda).

B) Komishanka Nabad-Galyada Qaranka

Komishankani wuxuu xukuumada kala shaqaynayaa siddii Ciidanka Booliska tayadooda kor loogu qadi lahaa loona daryeeli lahaa. Waxayna dib u eegidna ku samaynaya Nabad-Galyada dalka Lixdii biloodba mar.

C) DAGAAL BEELADA SOO NOQ NOQONAYA.

Waa in aynu so af-jarno dagaal Beeleedada soo noq noqonaya, waana in aanu qof danbe si macno daro ah inooga dhiman.

Sida daradeed, waa in Komishanka Nabad-Galyada Qaranka oo la kashanaya Wasarada Arimaha gudaha (ama Ciidanka Booliska) iyo Ciidamka Militariga ayaa soo afjaran dagaalka. Cidii falka gaysatay sharciga hor keenaya.

D) GUDIDA NABAD-GALYADA GOBALADA/DEGMADA.

Gobalkasta ama Degmo kasta waxay yeelanaysa Gudida Nabad-Galyo, oo u qaabilsan Nabad-Galyada gobalka ama degmada.

Lixdii billoodba mar ayay Gudidani dib u eegid ku sameeynaya Nabad-Galyada Gobalka/Degmada. Gudida Nabad Galyadu lama mid ah kuwa hada jira ee MAGAC-U YAALKA AH.

E) MASUULIYADA Gudida Nabad-Galyada Degmada.-

In Ciidanka Booliska ee degmadu noqdaan kuwa tayo leh oo shacabka degmada u shaqeeya, xuquuqda dastuurku siiyay muwadinka aan ku xadgudbin. Iyo in ay shacabka ka dhagaysta cabashooyinka aminaga la xidhiidha, waxna ka qabtan tacadiya shacabka loo gaysto.

F) BOLISKA XAAFADA (NEIGHBORHOOD POLICE)

Xaafadaha Magaladu waa in loo samaynayaa Bolis (Neighborhood police). Dhaqaalaha ku baxaya Xaafaduhu iska ururiyan. Booliska Xaafadu waa in ay la shaqaynaya Boliska Magalada.

G) MAXKAMDA NABADGALYADA.

Komishanka Nabad-Galyadu Qaranka waa in ay yeeshaan laba Maxkamado oo kala matala Gobalada Bari iyo Galbeedka. Maxkamado xukun deg-deg ah ku rida cida ku kacda amni daro.

H) WACYIGALINTA SHACABKA.

Komishanka Nabad-Galyada Qaranka iyo Degmooyinku waa in ay shacabka wacyi galiyaan.

  • Shacabka u sheegan in ay sharciga u hogaansaman.
  • Gudida Nabad-Galyada iyo Booliska la shaqeeyan.
  • Una sheegan in ciddii nabad galyo daro ku kacda, in ay sharciga la tiigsan doonan. MEEL FOG LAGA DAYIDOONO.

I) XUKUNADA MAXKAMADA.

Caaqil, Suldan, Sheekh, Xildhiban, Wasiir iyo Madaxwayne tooni waa in aanu faro galin go’aanada Maxkamada. Ciddii isku dayda in ay faragaliso xukun maxkamada waa in sharciga lala tiigsado. Waa in ay Somaliland noqoto dal QOFNA SHARCIGA KA SARAYN.

J) QOFKII QOF DILA Qofkii dil badheedha gaysta (First degree murder) waa in La-Dilo.

Haddii mag la kala qaatana waa XABSI DAA’IN LAGU XUKUMO. WAA IN AAN MUDADA LAGA YARAN KARIN, LANA SAMIXI KARIN.

Qofka dilkani gaystan wuxuu dambi ka galay ummada Somaliland oo dhan. Markaa waa inuu lumiyo xoriyada uu ummada kula dhex noolanayo.

Sida daradeed, haddii aan la dilin waa in xabsi daa’in lagu xukumo oo xabsi looga sameeyo Jasiiradaha SACAADA-DIIN ama CEEBAAD.

Haddii Qofkii dilkani oo kale gaysta, mag la kala qaato, kadibna ummada lagu soo dayo.

MARKA QOFKA NOOCASI AH WAXAA LA SIIYAYA ‘LAYSAN’ AY DADKA KU LAYAAN.

Nabada dalkuna waxay noqonaysa mid aan la isku hayn karin, oo markay doonto faraha ka baxi karta.

MURAN SIYASADEEDKA JOOGTA AH.

Mudo kordhinta Madaxwaynaha ee joogtada noqtay waxay khal khal galisaa Nabada dalka. Sida daradeed, Madaxwaynaha muda la doortay waa inuu maalin loogu darin, ee wakhtiga la doortay uu dalka maamulo. Sida oo kale, Golayasha Guurtida, Wakiilada iyo deganka waa in aanu mudo kordhin loo samayn ee ay wakhtiga la doortay ku ekadan.

QODABKA DASTUURKA KU JIRA EE MUDO KORDHINTA MADAXWAYNAHA IYO GOLAYASHA WAA IN WAX KA BADAL LAGU SAMEEYO (Constitutional Amendment).

Haddii ay timado marxalad doorashada Madaxwaynaha lagu qaban karin, waa in dawlada ku meel gadha (Caretaker government) la sameeyo.

Dawladasi ku-meelgadhka ahna AYNA soo dhisin xusbiyada tartamaya. Dawlada ku-meelgadhka ahi siday ku imanayso waa in LAGA TASHADO.

Muda dawlada ku meel gadhka jirayso waa in ayna ka badnaan 6 bilood.

 

2) CADAALADA – MADAX BANAAN. “Waa in sharcigu shaqeeya”

“Cadalad ummadu u siman yihiin”

CADAALADU WAA IN AY TAHAY MID MADAX BANAAN, KANA MADAX BANAAN XUKUUMADA/DAWLADA.

Sida Nabad-Galyadu oo kale waa in CADAALADU noqonto mid siyaasi Xusi Qabiil lagu soo doortay aanu maamulo. Sida daradeed, waa in daraasad lagu sameeyo siddii CADAALAD aqoon ku qotanta looga hirgalin lahaa dalka.

Komishanka Cadaalada.

Sida ISBAHYSIGA NABADA oo kale ayaa ISBAHYSIGA CADAALADANA lagu soo xulayaa, oo ugu yaran 150 qof oo aqoon yahano ah, oon siyaasiyiin kursi doona ahayn.

Dadka la soo xulayo waa in ay ka mid noqdan dad sharci yaqaano ah (Lawyero) ama dad aqoon fiican u leh cadaalada. kuwasi oo noqdan musdanbeedka Cadaalada dalka.

Haddaba, hawsha ugu horaysa ee golahani qabanayo waxay noqonaysaa inuu dib u eegid iyo darasad ku sameeyo Waxda Garsoorka dalka iyo inuu abuuro Road-Map lagu dhaqayo Waxda Garsoorka.

Marka Road-Mapka Cadaalada la isla qaato. Xubnah ISBAHYSIGA CADAALADA ayaa soo xulaya 15 xubnood oo Komishanka Cadaalada noqonaya. Kuwasi oo ka soo jeeda Beelaha Somaliland wada daga.

Shaqada Komishankani waxay noqonayan inay dusha kale socdan Cadaalada dalka, haddii gabis ku yimado Cadalada dalka ay dib-u- habayn iyo saxid ku samayeeyan.

Road-Mapka: Qodabada asaasiga ah ee CADAALADA:

A) MIISANIYADA WAXDA GARSOORKA.

Komishanka Cadaaladu waa in ay dajiyan miisaniyada Waaxda Garsoorka, si toosana ugu gudbiyan Wasaarada Maaliyada/Golaha Wakiilada.

Haddii aynu doonayno in Waaxda Garsoorku madax banaato waa in dhaqaalaheeda u madax banaanadan, oo ayna Xukuumada maamulin gunada Garsoorayaasha ama Waxda Garsoorka.

B) XAFIISYADA KOMISHANKA CADAALADA.

Waa in Gobalkasta ama Degmo kasta yeelato Xafiiska Komishanka Cadalada, kaasi oo shacabka ka dhagaysanaya cabashooyinka la xidhiidha cadalad darada.

C) MASUULIYADA KOMISHANKA CADAALADA.

Si loo helo shaqale aqoon iyo tayo leh. Waa in Komishanka CADAALADU qiimayn iyo tababarid u sameeyan Garsoorayaasha, Xeer Ilaaliyasha iyo shaqaalaha Waaxda Garsoorka.

Waana in ay Lixdii biloodba mar dib u eegid ku sameeyan cadaalada dalka.

D) XUKUNADA MAXKAMADAHA.

Waa in aanan la faro galin xukunada ay maxkamadu gaadhan.  Caqil, Suldan, Sheekh, Xildhiban, Wasiir iyo Madaxwayne tooni.

Ciddii isku dayda in ay faragaliso xukun maxkamadee waa in sharciga lala tiigsado. Waa in ay Somaliland noqoto dal QOFNA SHARCIGA KA SARAYN.

3) KOBCINTA DHAQAALAHA.

“Dawlada la wada leeyahay waxay hirgalaysa, OO KALIYA, marka Dhaqaalaha dalka la wada yeesho”

Si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, waxa aynu u bahan nahay in dadka aqoonta u leh dhaqaalaha la isku keeno.

Isla markana, aynu wax ka barano dalalka ku guulaystay ee samaystay dhaqaale hana qaaday, kuwasi oo ummadooda u horseeday barwaaqo iyo nolol fiican.

Sida dalalka Botswana iyo Singapore oo kale.

Tusale ahaan, dalka Botswana oo ah dal qarada Afrika ku yaal, oo land-lock ah. Sida Somaliland wuxuu xoriyadiisa ka qatay Maxmiyada Ingiriiska September 30 1966.

Markii xoriyada qaateen wuxuu ahaa dalka labad ee ugu faqiirsan calamka, mantana waa dalalka calamka ugu horeya kobaca dhaqaalaha.

Haddii aan kobaca dhaqalaha kor u kac samayn, oo aanu noqon mid shaqooyin u abuura dadka, khasatan dhalin yarada. Jiritanka Somaliland khatar ayuu galayaa.

Komishanka Dhaqaalaha

Sida uu ISBAHAYSIGA NABADA iyo CADAALADA oo kale ayuu ISBAHAYSIGA DHAQAALAHANA lagu soo xulayaa, oo ugu yaran 150 qof oo aqoon yahano ah, oon siyaasiyiin kursi doona ahayn.

Dadka la soo xulanaya waxay ka koobnanayaan dad cilmiga dhaqalaha aqoon fiican u leh. Isla markana ahayn siyaasiyiin kursi doona, kuwasi oo noqda musdanbeedka kobaca Dhaqalaha dalka.

Haddaba, shaqada ugu horaysa ee golahani qabanayo waa:

  • Inuu dib u eegid iyo darasad ku sameeyo sida dhaqaalaha dalka loo horu marin karo.
  • Curiyana Road-Mapka lagu dhaqayo dhaqaalaha dalka.

Marka Road-Mapka la isla qaato, xubnaha ISBAHAYSIGA DHAQAALAHA ayaa soo xulaya 15 xubnood oo KOMISHANKA DHAQAALAHA noqonaya, kuwasi oo ka soo jeeda Beelaha Somaliland wada daga.

Komishankani wuxuu ka shaqaynayaa kobaca dhaqaalaah dalka iyo inuu dhaqaalaha dalka siddii loogu talagalay u socdo.

KOMISHANKANI waxay ka hawl galayaan in ay ka hor qadan waxii caqabad ku ah kobaca dhaqaalaha. Isla markan, dhiiri galiyan wada lahanshaha dhaqaalaha dalka iyo in ay dadku fursadaha dhaqalaha u sinadan.

KOMISHANKA DHAQAALUHU wuxuu shacabka iyo ganacsatada ku ilaalinayan;

  • inay u hogaansanadan shuruucda dalka.
  • Inay cashuurta xaqa loogu leeyahay bixiyan.
  • In ayna boobin hantida maguuranka ee Ummada ka dhaxaysa.
  • In ayna ganacsatadu ummada ka iibin alaabooyin dhacay. Iyo
  • In ayna ganacsatad siin adeegyo hantida ummada lagu dhacayo.

Road-Mapka: Qodabada asaasiga ah ee KOBACA DHAQALAHA:

A) CAQABADAHA KOBACA DHAQALAHA.

Si ay Somaliland u noqoto dal ganacsiga si fudud looga hirgali karo, oo ah dal saxiib la ah ganacsiga (Business Friendly country). Waa in laga qaado wax alaala iyo wixii caqabad ku ah kobaca dhaqaalaha.

B) XEERARKA LA XIDHIIDHA DHAQAALAHA.

Waa in dib-u-eegid, ansixin, iyo hirgalin lagu sameeyo xeerarka la xidhiidha kobaca dhaqaala. Sida Xeerarka Maal-gashiga, Bangiyada Ganacsiga, Caymiska, iyo Sharkadaha la wada leeyahay (Corporate law).

C) BANGIGA HORUMARINTA SOMALILAND.

Waa in la abuuro Bangiga Horumarinta Somaliland (ama Somaliland Development Bank). Bangigani oo darsaya ku sameeya, isla markana hirgaliya mashruucyada dalka u bahan yahay, kadibna samiyo (shares) ay dadku iibsan karan u qaybiya.

D) DHIIRI GALINTA WAX WADA LAHAANSHAHA.

Waa in la dhiiri galiyo wax wada lahanshaha mashruucyada qof kaliya aanu awoodin karin ama ayna ku haboonayn inuu qof kaliyi ama sharkad kaliyi yeelato.

E) SUUQA SAAMILAYDA (STOCK MARKET).

Waa in la abuuro Suuqa Saamilayda (Stock Market) iyo Gudida Maamulaysa.

F) AQOONTA SHACABKA (Human Capital).

Dalku wuxuu horumar gaadhi karaa marka uu kor u qaado aqoonta shacabkiisa (Human Capital). Iyo

G) MAXKAMADA BAYACMUSHTARIGA

Waa in la abuuro Maxkamada xukuno deg-deg ah ka gadhi karta dacwadaha la xidhiidha Bayacmushtariga (Commercial Courts).

Dawlada loo wada dhan yahay, waxaa la heli kara ‘oo kaliya-

  • Marka la hel dhaqaale la wada leeyaha.
  • Fursad dhaqalena loo siman yahay.

Marka ayaa la helayaa NABADA LUGO ADAG KU TAAGAN IYO DAWLAD SI DHABA LOO WADA LEEYAHAY.

HAY’ADAHA LA XIDHIIDHA DHAQAALAHA ee loo bahan yahay in ay madax bananaadan:

  1. Bangiga dhex.
  2. Hay’ada Cashuur ururinta (Revenue collection agency).
  3. Hay’ada Maamulka dhulka (Land Management agency)
  4. Hay’ada la dagalanka Musuq Masaqa iyo Dawlada wanaga.
  5. Hay’ada Shaqaalaha
  6. Hay’ada xakamaysa Bayac Mushtarka (Business regulatory agency).
  7. Xafiiska Hantidhawraha Guud (Auditor general).
  8. Gudida Qandaraska Qaranka.
  9. Gudi inaga hubisa heshiiyada. Gudidani waxay inag hubinaysa heshiisyada aynu la galno sharkada, hay’adaha iyo dawladaha Caalamiga. Gudidani waa in ay darasad ku samaysa sida aynu uga faa’iidaysiga khayradka dabiiciga ah ee dalkeena ku duugan.

Gudidani waa in ay ka koobnadan aqoon yahano iyo khibaro aqoon u leh shuruucda calamiga ah. Kuwasi oo inaga eega hashiisyada aynu la galno sharkadaha iyo dawladaha calamka.

Xubnaha ISBAHAYSIGA NABADA, CADAALADA iyo DHAQAALAHA noqonayaa, waa in ay noqdan dad dhaqalo ahaan isku filan, sanadkiina laba jeer kulma.

Markay kulmana dib u eegid ku sameeya hawsha Komishanada qabtan. Haddii Komishanka gabis ku yimado, kala diri kara ama badali kara xubnaha Komishanka ee sababay gabiska.

Gaba gabadii.

Inaga oo dalkeena difacayna, ciidankeena geesiyasha ah hiil iyo hooba la garab tagan, khilafyada gudaheena soo afjarayna, una midoobayna kuwa doonaya in ay dalkeena burburiyan.

Ayaynu ka hawl galaynaa sidaynu dalkeena uga hirgalin lahayn hab-dawladnimo oo Nabada warta, Cadaalad iyo Barwaqo inoo horseedi lahayd.

DADKA XUN, IYAGA SABAB U AH DAWLADA XUN”

Calamka ma jiraan ummada wada xun, ee waxa jira ummada inteeda xun iyo intooda danaysatada ahí ay hormood u yihiin.

Hadaba, DAWLADA FIICAN WAXAA LA HELI KARAA; – Marka dadka intiisa fiicani ISBAYSTAN.  Doortana hogaan fiican oo dawlada fiican dhisa.

Waa in aynaan U-Codayn kuwa caqabada ku ah NABADA, CADAALADA iyo HORUMARKA ku ah, (AMA KOBACA DHAQAALAHA).

Kuwa diidan in Somaliland laga badbaadiyo Burburka, iyo dagalka Sokeeye – WAA IN IYAGANA U DIIDNO IN AY INA HOGAAMIYAN.

Haddii oday dhaqameed yadii ay Khasab kaga dhigeen in Siyaasiyiintu dhageestan, oo doorashada siday u dhigeen qasab kaga dhigeen.

SHACABKA SOMALILAND OO MIDAYSAN OO CODAYNAYAANA WAA IN AY SIYASIYEENTA KU QASABNO IN AY QAATAN, HIRGALIYAN, FIKIRKA SOMALILAND U HORSEEDAYA: –

“NABAD WAARTA, CADAALAD LOO SIMAN YAHAY IYO BARWAARO”

KUWA INAGA DIIDANA WAA IN AYNAAN U-CODAYN EY SHICIB NOQON DOONA.

 

CODSI:

Waxaan ka codsanaynaa in ay nagu soo biiran;

  • Muwadiniyiinta Somaliland jecel ee raba in aynu ka hirgalino hab dawladnimo ee uu dadkeenu muda dheer sugayay.
  • Muwadiniinta raba in dalkeena ka badbaadino in mar kale hog dheer ku dhacdo.

 

 SOMALILAND HA NOOLATO!!!!     CADAWAGEEDUNA HA JABO.