GOORMAY DAWLADA HOOSE EE HARGAYSI SHARKAD NOQOTAY?

Waxaan dhagaystay barnamijka HornCable ee qanci-dadkaaga oo uu Wasiirka Gadiidka iyo Horumarka Wadooyinka, C/lahi Abokor Cisman iyo gasimayasha wasaaradu ay ku marti ahaayeen. Marka hore, wasiirka iyo agaasimayashu way ku mahadsan yahay in ay ka soo qayb galan barnaamijka dadku su’aalo ku waydiinayo. Su’aalaha la waydiiyay iyo Jawaabaha badankooda waxay ahaayen kuwa si fiican ooy aqooni ku dheehan tahay uga jawaabeen.

Wasiirka waxaa la waydiiyay.

“Waxaa la soo sawiray in qalabka dawladah hoose (Hargaysa) lahayd ay ka qayb qaadanaya dhismaha wadada Berbera (ama Berbera corridor), qandaraska qalabka dawlada hoose ay ku dhisayso wadada Berbera ma adiga ayaa siyay mise cid kale?”

Wasiirku wuxuu ku jawaabay:

Shaqada laga wado wadada Berbera dawlada hoose (Hargaysi) way ka mid tahay. Dawlada hoosena waxay ka mid tahay sharkadaha ay sharkada dhisaysa wadada (NPJJ) ay xulatay. Dawladuna may xulan, aniguna maan xuman. (Dawlada hoose Harhgaysi) waxay u gudbi yeen waxii looga baahna. Todabo (7) sharkadood oo la doortay oo la shaqayn doona ayay ka mid ahaayeen. Sida dadku ula shaqaynayay ayay iyaduna ula shaqaynayay.

Waa dhab oo wasaradani ma kala xulato sharkadaha qandaraska ka dalbada. Lakiin, wasiirku wuxuu waraysigiisa ku yidhi, wasaarada Gadiidka iyo Horumarka Wadooyinka kuma shaqo laha wadooyinka magalooyinka gudahooda, waxay ku shaqo leedahay wadooyinka ka baxsan magaalooyinka. Waa dhab oo wasaradani waxay hoos timada dawlada dhexe oo shaqadeedu ma ah wadooyinka magaalooyinka gudahooda. Lakiin, wadooyinka magaaladana kuma shuqul lihi, hadana qalabka Magalada leedahay, ee hantidooda ku soo iibsadeen, waan isticmaalayna isma qabato.

Magalada Hargaysi waxay qalabkani u soo iibsatay si ay ugu dhisto wadooyinka Magalada ee hogaga noqday. Teeda kale, Siday sharkadani qandaraska ku heshay hadayna haysan qalabka ay wadada ku dhisto? Goorma ayay dawlada Hoose ee Hargaysi sharkad noqotay? Arintani waa fadeexada dul hoganaysa dawlada Somaliland, khasatan dawlada hoose iyo Mayar Selteco.

Teeda kale, maye golaha Wakiilada eey dadku doorteen. Maxay arintani uga hadli wayeen. Mese mushahar bilaasha ayay iska qatan, ee shaqadooda ma yaqanan?

Mida kale, maye xusbiyada mucaridka eey ahayd in qaladka dawladu gasho ummada u soo bandhigan. Mise cayda iyo ku-jiqsii ayay mucaarada u yaqaanan.

Mayar Selteco wuxuu inoo sheegay inuu daamur badan ooy wadooyinka Magalada ku dayac tirtan ay soo iibsadeen. Horena waxan u ogayn in ay soo iibsadeen warshada qaaliya oo damurka iyo jayga isku walaqa.

Dadka reer Hargaysa waxay is waydiinayaan, dawlada hoose haddii ay haystan qalabkii lagu dhisayay wadooyinka (Cagafyadadii), damurkii, iyo jaygii. Warshadii isku walaqaysay haystan. Halkay wax ka si yihiin, ay wadooyinka u hagaajin la’ yihiin. Ilayn waa niman sharkada samaystay oo qalabkii wadooyin Magalada ku dhisi lahaayeen kaga qayb galay dhismaha Berbera Corridor.

Haddaba, su’aashu waxay tahay ma mayarka ayaa kaligii go’aankani gadhay? Golaha degankuna iyo agaasimaha magaladuna miyay la ogaayeen? Lacagta sharkadani samayso xisaabteeda meeday, Bangigee ayay ku dhacda?

Maalin kasta dadka casimada ku nool waxay dawlada hoose iyo dhexe uga cawdan wado xumada, iyo wadooyinka burburay ee baabuurteeda iyo naftoodaba halista galiya.

Teeda kale, Hargaysi waa casimada dalka, waa murayada horumarka dalka laga dawanayo. Waa magalada degan tahay dawlada dalka talisa. Waa magalada ay ku soo dagan waftiyada calamka ka socda. Waana Magalada ay degan yihiin hay’ado calamiya, iyo safaarado.

Waa nasiib-daro iyo damiir-xumo in casimada Hargaysi sida ay tahay u ekaato. Kuwa hogaamiyana haday damiir leeyihiin way is-casili lahaayeen, ee mar labaad dadka cod ma ay waydiisteen.

Teeda kale, Madaxwaynu isaga ayaa dalka maamula, waana qofka ugu awooda sareeya dalka, ee ma ahayn inuu ka ogalado in qalabka Magalada Hargaysa loo soo iibiyay, in lagu dhiso wadooyinka kale oo sharkado ajanibi dhisayan.

Haddaba, maxaa dadka reer Hargaysa (iyo Magaalooyinka dalka) la gudboon.

Waa in aydun MAGALADIINA U-HIILISAN, oo aydan U-Codayn musharaxa Golaha Deganka een soo celinaynin qalabkaasi. Waana in ay balana qadan in dib u dhaci doonin arintani oo kale.

Marka xiga, waa aydin U-HIILIYSAN DALKIINA, oo aydan U-codayn musharaxa Golaha Wakiilada een sharci ku xakamayn awooda dawlada dhexe, si ay dawladaha hoose u noqon sharkado lagu shaqaysto.

OMAR YOUSUF

IS-BAHAYSIGA DAN-QARAN

DA’NAY NA-YAASHA DANTA-QARANKA, WAXAY NAGALA SOO XIDHIIDH KARAN:

E-MAIL: uhilimagaladada@gmail.com Facebook: U hili magaladada

WWW.DANQARAN.COM or WWW.SOMALILANDFIRST.COM