Day: March 24, 2021

MA CAQILO AYAANU DOORANAYNA, MISE XILDHIBANADA GOLEYASHA WAKIILADA/DEGANKA?

Dhawan waxaa loo dareeri doona doorashada Golaha Wakiilada iyo Deganka, haddaba su’aashu waxay tahay, Maxaynu dooranaynaa? Ma Caqilo, Mise xildhibanada Goleyaasha Wakiilada/Deganka?

Musharaxiinta Golaha Wakiilada iyo Deganka ee doorashadan ka qayb galaya waxaa soo xulay oday-dhaqameedo, waxaana u-codaynaya beelahooda. Sida daradeed, waxaa meesha ka baxday xusbiyada qaranka.

Waxay ahayd in xusbiyada qaranku la yimadan ma’baadi siyaasadee oy dalka ku maamulan/ku maamuli doonan. Nasiibdaro, ma jirto waxa fikir siyaasadeed ooy ku kala duwan yihiin saddexda xusbi. Taasina waxay keentay in musharaxiinta Golaha Wakiilada iyo Deganku wax ay ku kala duwan yihiin aanay jirin.

Oday-dhaqameedada soo xulaya musharaxiita badankoodu ma ah dad fahansanay hawsha xildhibada golaha Wakiilada iyo Deganku qabtan. Waxay ku soo xushan oo kaliya siday shaqo ugu abuuri lahaayeen qof, iyaguna uga heli lahaayeen dhadhan.

Hore ayaan uga digay in Oday-dhaqameeda soo xulin musharaxiinta dalka hogaamin doona. Nasiibdaro, cid jalaq umay siin.

Maalmahani, waxaan maqlaynay xusbiyada oo gudbinayaan liisaska musharaxiinta sharaxayan. Lakiin, maqluub ayay u shaqaynayaan, oo halkii ay ku dhaman lahayd ayay ka bilaabeen. Waxa ahayd in ay marka hore iyagu soo xushan musharaxiinta.

Haddii, Beelaha laga maarmi waayo, waxa ahayd in ay xusbi kasta sameeyo gudi Beeleedyo xusbiga tageersan oo soo xula mushaxiinta Beeshooda. Haddii, Xusbiyadu sidan yeeli lahaayeen, xusbiyada ayaa awood lahaan lahaa, ee Beeluhu may lahaadeen.

Jaha wareerka Xisbiyada iyo qabyalada, iyo waliba awooda siyaasadeed oo Oday-dhaqameeda iyo Beelaha lagu wareejiyay waxay meesha ka sartay DANTA-QARANKA.

Haddaba, dadka Somaliland waa in ay fahman waxay DANTA-QARANKA tahay. DANTA QARANKU waa:

  • Siddii nabada waarta dalka looga hirgalin lahaa.
  • Waa siddii cadalad dadka u siman yahay loo heli lahaa.
  • Waa siddii dhaqalaha dadku wada leeyahay loo dhisi lahaa.
  • Waa siddii kalsoonida dawladnimo loo soo celin lahaa.
  • Waana siddii xusbiyada u noqon lahaayeen kuwa dumiqradiyda dhexdooda ka jirto oon ummada qabaa’il u kala qayb qaybin.

Dadka Somaliland, khasatan aqoon yahanada ayaa dalkani dayacay, waxay ahayd in ay xusbiyada ka diidan in Oday-dhaqameeda ama Beeluhu soo xulin dadka hogaaminaya dalka, oo Beelo u qayb qaybiyan Ummada.

Haddaba, haddiii dadku aanu danaynin wanaaga iyo horumarka dalkooda, meel xun ayuu dalkaasi ku danbayaa. GAADHI BILAA INGIINA (Ama Buudhi) ayaynu saranahay, 30 sano ayaynu gadhigan bilaa Inginka ah fuushanahay. Haddaba, si aynu horumar la’aanta iyo dhaqaalo xumida inagu habsatay uga baxno, waa in aynu u MIDOOBAN DANTA QARANKA.

Natiijada diiwan galinta Somaliland ka dhacday waa kani:

Gobalada Dalka  Tirada GW (Gobalka) loo qondeeyay Tirada Musharaxiinta GW (3-Xusbi) Dadka Gobalka

 Is- Diiwangaliyay

Min – Codadka

(ugu yar lagu soo baxi karo)

Max – Codadka

(ugu badan lagu soo baxi karo

Avg- Codadka

(isku cel-celiska)

SANAAG

12

36 120,836 3,357 10,070 6,714

SOOL

12 36 114,349 3,176 9,529

6,352

TOG-DHEER

15

45 247,948 7,438 16,530

11,984

SAAXIL

10

30 116,595 3,887 11,660

7,774

M/JEEX

20

60 498,975 8,316 24,949

16,633

AWDAL

13

39 199,135 5,106 15,318

10,212

TOTAL

82

246 1,297,838 5,276 15,827

13,190

Table-1. Table-kani waa natiijada diiwan galinta Gobalada dalka.

  • Tiirka labaad (Column): Waa tirada xildhibanada Golaha Wakiilada ee gobalka loo qoondeeyay.
  • Tiirka sadexad (Column): Waa tirada musharaxiinta gobalkasta ka tartami kara. Tiirka afarad: Waa dadka gobalka iska diiwan galiyay.
  • Tiirka shanada: Waa codadka ugu yar ee uu musharax ku soo bixi karo – Waa haddii musharaxiinta saddexda xusbi codad is leg helan. Xisab: Tiirka-4 oo loo qaybiyay Tiirka-3.
  • Tiirka lixad: Waa codadka ugu badan ee Musharaxu ku soo bixi karo – Waa haddii musharaxa hal xusbi wada helo codadka golka. Xisab: Tiirka-4 oo loo qaybiyay Tiirka-2.
  • Halka Tiirka ugu danbeeya uu yahay isku celceliska labada tiir ee Afarad iyo Saddexaad . Waana codadka macquulka ah ee uu ku soo baxi karo musharax Golaha Wakiilada ee Gobalkaasi.

Doorshadani waxa ku tartamaya Beelo. Beel-kasta waxay isku dayaysa siday Golaha Wakiil iyo Deganka xildhibano ugu yeelan lahayd. Haddaba, doorashadani Beelo badan ayaa ku hungoobi doona, oon xildhibanadood soo bixi doonin. Guusha waxay ku xidhantahay fahanka shaxda ku xusan (table-1). Beelna ma soo sari karto hal xildhiban wax ka badan khasatan Gobalada Awdal, Togdheer iyo Maroodi-Jeex. Sida daraadeed, Beesha kasta waa in ay dib iskug noqoto oo musharaxa aan haysan tira ugu yar ee lagu soo bixi karo, sida ku xusan Tiirka-5 (ama Min-Codadka), waa in ay ku qanciso inuu tanaasulo.

Haddii ay sida yeeli wayan, waa in ay ogadan in Golaha Wakiilada ayna xildhiban ku yeelan doonin. Teeda kale, musharaxa aan haysan codadka ugu yar ee lagu soo bixi karo (ama Min-Codadka), waa qof wakhtiga iyo dhaqaalo iska khasaarinaya. Waayo, MA SOO BAXAYO.

Tirada is-diiwan galiyay Degmooyinka A ee Dalka (Table-2).

Degmooyinka (A)

 

Tirada GD (Degmada) laga rabo. Tirada Musharaxiinta GD (3 Xisbi) Dadka Degmada

IsDiiwangaliyay

Min – Codadka

(ugu yar lagu soo baxi karo)

Max – Codadka

(ugu badan lagu soo baxi karo)

Avg – Codadka

(isku cel celiska)

HARGAYSA

17

51 361,564 7,090 21,269

14,180

BURCO

13

39 196,329 5,034 15,102

10,068

BOORAME

13

39 122,024 3,129 9,387

6,258

BERBERA

13

39 95,886 2,459 7,376

4,918

GABILAY

13

39 92,780 2,379 7,137

4,758

L/CANOOD

13

39 61,154 1,568 4,704

3,136

CEERIGABO

13

39 72,560 1,861 5,582

3,722

TOTAL

95

285 1,002,297 23,520 70,557

47,040

Sida oo kale ayaa xildhibana Golaha Degankuna (Grade A) ay Beeluhu ugu tartamayaan, musharxa fahma shaxda hoose (table-2) ayaa guulaysan doona, kuwa kalana waa kuwa wakhtiga iyo dhaqaalaha iska khasaarinay.

Gaba gabadii, inkasta aynu ognahay in musharaxiinta badankooda ay soo xuleen oday-dhaqameedo, isla markana Beelkasta ay u codayn doonta musharaxa Beeshooda, haddana deeqda eebe lagama quusto, waa in aynu ka xulano musharaxiinta aan is leenahay waa dacad, fahansan sida Somaliland u noqon lahayd XIDIGTA NUURAYSA EE GEESKA AFRIKA (THE SHINING STAR OF THE HORN OF AFRICA).

OMAR YOUSUF

IS-BAHAYSIGA DAN-QARAN

DA’NAY NA-YAASHA DANTA-QARANKA, WAXAY NAGALA SOO XIDHIIDH KARAN:

E-MAIL: uhilimagaladada@gmail.com Facebook: U hili magaladada

WWW.DANQARAN.COM or WWW.SOMALILANDFIRST.COM

GOORMAY DAWLADA HOOSE EE HARGAYSI SHARKAD NOQOTAY?

Waxaan dhagaystay barnamijka HornCable ee qanci-dadkaaga oo uu Wasiirka Gadiidka iyo Horumarka Wadooyinka, C/lahi Abokor Cisman iyo gasimayasha wasaaradu ay ku marti ahaayeen. Marka hore, wasiirka iyo agaasimayashu way ku mahadsan yahay in ay ka soo qayb galan barnaamijka dadku su’aalo ku waydiinayo. Su’aalaha la waydiiyay iyo Jawaabaha badankooda waxay ahaayen kuwa si fiican ooy aqooni ku dheehan tahay uga jawaabeen.

Wasiirka waxaa la waydiiyay.

“Waxaa la soo sawiray in qalabka dawladah hoose (Hargaysa) lahayd ay ka qayb qaadanaya dhismaha wadada Berbera (ama Berbera corridor), qandaraska qalabka dawlada hoose ay ku dhisayso wadada Berbera ma adiga ayaa siyay mise cid kale?”

Wasiirku wuxuu ku jawaabay:

Shaqada laga wado wadada Berbera dawlada hoose (Hargaysi) way ka mid tahay. Dawlada hoosena waxay ka mid tahay sharkadaha ay sharkada dhisaysa wadada (NPJJ) ay xulatay. Dawladuna may xulan, aniguna maan xuman. (Dawlada hoose Harhgaysi) waxay u gudbi yeen waxii looga baahna. Todabo (7) sharkadood oo la doortay oo la shaqayn doona ayay ka mid ahaayeen. Sida dadku ula shaqaynayay ayay iyaduna ula shaqaynayay.

Waa dhab oo wasaradani ma kala xulato sharkadaha qandaraska ka dalbada. Lakiin, wasiirku wuxuu waraysigiisa ku yidhi, wasaarada Gadiidka iyo Horumarka Wadooyinka kuma shaqo laha wadooyinka magalooyinka gudahooda, waxay ku shaqo leedahay wadooyinka ka baxsan magaalooyinka. Waa dhab oo wasaradani waxay hoos timada dawlada dhexe oo shaqadeedu ma ah wadooyinka magaalooyinka gudahooda. Lakiin, wadooyinka magaaladana kuma shuqul lihi, hadana qalabka Magalada leedahay, ee hantidooda ku soo iibsadeen, waan isticmaalayna isma qabato.

Magalada Hargaysi waxay qalabkani u soo iibsatay si ay ugu dhisto wadooyinka Magalada ee hogaga noqday. Teeda kale, Siday sharkadani qandaraska ku heshay hadayna haysan qalabka ay wadada ku dhisto? Goorma ayay dawlada Hoose ee Hargaysi sharkad noqotay? Arintani waa fadeexada dul hoganaysa dawlada Somaliland, khasatan dawlada hoose iyo Mayar Selteco.

Teeda kale, maye golaha Wakiilada eey dadku doorteen. Maxay arintani uga hadli wayeen. Mese mushahar bilaasha ayay iska qatan, ee shaqadooda ma yaqanan?

Mida kale, maye xusbiyada mucaridka eey ahayd in qaladka dawladu gasho ummada u soo bandhigan. Mise cayda iyo ku-jiqsii ayay mucaarada u yaqaanan.

Mayar Selteco wuxuu inoo sheegay inuu daamur badan ooy wadooyinka Magalada ku dayac tirtan ay soo iibsadeen. Horena waxan u ogayn in ay soo iibsadeen warshada qaaliya oo damurka iyo jayga isku walaqa.

Dadka reer Hargaysa waxay is waydiinayaan, dawlada hoose haddii ay haystan qalabkii lagu dhisayay wadooyinka (Cagafyadadii), damurkii, iyo jaygii. Warshadii isku walaqaysay haystan. Halkay wax ka si yihiin, ay wadooyinka u hagaajin la’ yihiin. Ilayn waa niman sharkada samaystay oo qalabkii wadooyin Magalada ku dhisi lahaayeen kaga qayb galay dhismaha Berbera Corridor.

Haddaba, su’aashu waxay tahay ma mayarka ayaa kaligii go’aankani gadhay? Golaha degankuna iyo agaasimaha magaladuna miyay la ogaayeen? Lacagta sharkadani samayso xisaabteeda meeday, Bangigee ayay ku dhacda?

Maalin kasta dadka casimada ku nool waxay dawlada hoose iyo dhexe uga cawdan wado xumada, iyo wadooyinka burburay ee baabuurteeda iyo naftoodaba halista galiya.

Teeda kale, Hargaysi waa casimada dalka, waa murayada horumarka dalka laga dawanayo. Waa magalada degan tahay dawlada dalka talisa. Waa magalada ay ku soo dagan waftiyada calamka ka socda. Waana Magalada ay degan yihiin hay’ado calamiya, iyo safaarado.

Waa nasiib-daro iyo damiir-xumo in casimada Hargaysi sida ay tahay u ekaato. Kuwa hogaamiyana haday damiir leeyihiin way is-casili lahaayeen, ee mar labaad dadka cod ma ay waydiisteen.

Teeda kale, Madaxwaynu isaga ayaa dalka maamula, waana qofka ugu awooda sareeya dalka, ee ma ahayn inuu ka ogalado in qalabka Magalada Hargaysa loo soo iibiyay, in lagu dhiso wadooyinka kale oo sharkado ajanibi dhisayan.

Haddaba, maxaa dadka reer Hargaysa (iyo Magaalooyinka dalka) la gudboon.

Waa in aydun MAGALADIINA U-HIILISAN, oo aydan U-Codayn musharaxa Golaha Deganka een soo celinaynin qalabkaasi. Waana in ay balana qadan in dib u dhaci doonin arintani oo kale.

Marka xiga, waa aydin U-HIILIYSAN DALKIINA, oo aydan U-codayn musharaxa Golaha Wakiilada een sharci ku xakamayn awooda dawlada dhexe, si ay dawladaha hoose u noqon sharkado lagu shaqaysto.

OMAR YOUSUF

IS-BAHAYSIGA DAN-QARAN

DA’NAY NA-YAASHA DANTA-QARANKA, WAXAY NAGALA SOO XIDHIIDH KARAN:

E-MAIL: uhilimagaladada@gmail.com Facebook: U hili magaladada

WWW.DANQARAN.COM or WWW.SOMALILANDFIRST.COM