Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera: Fursadii iyo Maalgashigii Ugu Waynaa ee Somaliland Heshay‏

Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera: Fursadii iyo Maalgashigii Ugu Waynaa ee Somaliland Heshay.

Waxa aynu markasta nidhaahnaa waddanka waa in loo raadiyo cid maalgashata; si aynu fursad ugu helno in dhaqaalaha la kobciyo, dadkeena shaqo loo abuuro, la dhiso waddanka oo la sameeyo illo dhaqaale oo waawayn oo waddankeena iyo qaranimadeena xoojiya. Ujeedada ugu wayn ee Somaliland leedahay heshiiska DP World, waxa weeye inaynu dekeda Berbera u helo maalgashi lagu dhiso oo lagu qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasuna u noqoto mid kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhanaano UAE oo u noqono saaxiib wanaagsan suurto galna u noqoto in passportkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato. Taas weeye ujeedada heshiiska DP World.

READ MORE:  https://www.bloomberg.com/news/articles/2017-06-08/landlocked-ethiopia-eyes-role-in-dp-world-managed-somali-port