Xildhaban Maxamed Axmed Maxamuud Dhakool

 

Xildhiban Maxamed Axmed Maxamuud Dhakool

Xisbiga: 

Gobalka: Sool 

Mudane Xildhiban,

Mudane waxaanu kaa codsanaynaa in aad nala qaadataan fulinta qodabada Somaliland-First ka kooban tahay. Fikaradani oo ka turjumaysa danta dadka iyo dalka Somaliland.

Mudane dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo Somaliland-First, kuwaasi oo isku hawla kana baaraandaga isku dubaridka Talooyin dhaxalgal u noqda aayatiinka dalkeena.

Muhimadda ugu wayn ee Talooyinka Somaliland-First waxay horseed u yihiin:

  • In dalka Somaliland helo Aqoonsiga caalami ah.
  • In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
  • In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah, u wada leeyihiin muwaadiniintiisu, sidoo kalena muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan  Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta.

Mudane, dhaq dhaqa Somaliland-First waxay ka kooban yihiin Muwaadiniin iyo Aqoonyahano reer Somaliland ah, oo jecel inuu dalkoodu helo isbadlkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee Somaliland-First

Sidaasi darteed, Mudane waxaan kaa codsanaynaa in aad tageertid, kana hawl gashid sidii sharciyada lagu hirgalinayo Talooyinka Somaliland-First u hirgalin lahayd. Si loo dhamaystiri lahaa gudiyo heer qaran ah, oo awoodii maamul iyo kuwa ay ku fuliyan talooyinka Somaliland-First leh. Talooyinkaasi oo iyagoo faahfaahsan isla markaasina is fasiraya halkan ku lifaaqan.

Hirgalinta Somaliland-First waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani. Waxaanu diyaar idiin la nahay in aanu idiin kala shaqayno hirgalinteeda.

Tageer Dib-u-habeynta Somaliland

Please Login with the Login credentials we provided to you.