DIB-U-HABAYNTA SOMALILAND (REFORMING SOMALILAND).

Siyaasiyinta Somaliland waxaa sameeyan qaladkii ugu waynaa markay xoriyadeena sida dhibta yar u wareejiyeen. Haddaba, isracii qaldanaa ee siyaasiyiinta Somaliland sameeyan 1960 kii, waxaa laga jooga 58 sano oo ay dadka Somaliland dhibaatooyin aan la koobin karin ka soo gadheen, dhibtii qaladkaasi wali waa tagan yahay. Somaliland waxaa ay jirtaa 27 Sano, wax badan oo dawladadihii kala danbeeyay iyo dadkuba qabsaday way jirtaa.

Lakiin haykalkii dawladnimo wax badan ayaa ka qabyo ah. Taasina waxay keentay, in aynu kala qayb-qayb sanaano, iloownana DANTA QARANKA iyo waxay Somaliland xoriyada lumisay ula soo noqotay. Cadawga Somaliland lacag badan ayuu ku bixiyaa sidduu uga faa’iidaysto. Haddii aan dib u habayn lagu samayna haykalka dawladnimado, wax inaga qaldana loo sixin, waxaa sansaanteeda leedahay,  Illahay kama dhige eh, in ay mar labaad qaranimada Somaliland lumi doonto.

Fikrada DANTA-QARAN ama ‘SOMALILAND-FIRST’ waxay ka kooban tahay 10 QODAB oo ku arooraya siddii DIB-U-HABAYN, ama SAXID (REFORM) lagu sameeyo habka dawladnimo. Haddaba, QODABADA ayna u bahanay in aynu saxano waa:-

1-NABAD GALYADA 

Somalidu waxay hadal hayn u leedahay; NABAD IYO CAANO ama NABAD IYO BARWAQO (PEACE AND PROSPERITY). Nabad galyadu waa halbolaha horumarka iyo dawlad nimada. Haddii nabad galyadu khal khal gasho, qaran iyo horumarna jiri mayo. Sida daradeed, nabadgalyadu waa in la wada ilaashado, oon dawlad oo kaliya lagu halayn. Teeda kalana waa in ilaalinta nabada gacanta loo galin cid gaara oo siyaasad ahaan ama shakhsi ahaan uga faa’iidaysta. Haddaba, si ay nabad warta u hirgasho, waa in la abuuro KOMISHANKA NABADGALYAD QARANKA, Komishankani oo la shaqeeyan Golaha Guurtida ee Mustaqbalka, ee kuwa jooga badali doona.

Komishanka Nabadgalyada Qaranaku waa inuu ka koobnaan:

  • Gudi Nabadgalyada Magaalada. Gudidani oo dadka daganku soo xushan.
  • Dawlada hoose: Mayarada iyo Golaha Deganka.
  • Wasaarada Arimaha Gudaha, Badhasabda, iyo Sarakiisha Booliska (Degmooyinka).
  • Oday dhaqameedka (Deganada Miyiga)

Haddaba, si Komishankani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Komishanka Nabadgalyada Qaranka.

2-CADALADA 

Somalidu waxaa tidhaa: “RAG CADAALAD WAAYAY SIDII CAWSHA KALA YAAC”. Haddii CADAALAD LA WAYO, NABADNA LA WAA, AMA ‘NO PEACE NO JUSTICE’. Haddaba, waaxda garsoorku waa in ay madax banaanato, kana madax banaanato xukuumad ama siyaasiyiinta.

Haddaba, si CADAALAD UMMUDU KU KALSOONATO LOO HELO, waa in la abuuro KOMISHANKA CADAALADA , oo la shaqaya Golaha Guurtida ee Mustaqbalka, ee kuwa jooga badali doona.

Shaqada KOMISHANKA CADAALADA waa inuu noqodo:

  • Tababarida/Tayayanta shaqaalaha Cadaalada; Garsoorayaasha, Xeer Ilaaliyaasha, IWM.
  • U-ola’leeyaan, siday shaqalahaa Garsoorku mushaharka ay u qalma u heli lahaayeen.
  • Waa in Komishankani noqdo kuwa dadka u soo cawdan haddii cadal daro ay tabanayaan.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliso waa in Amendment lagu sameeyo Dastuurka, khasatan qabta la xidhiidha Cadaalada.

3- DHAQALAHA 

Kobcinata dhaqaluhu waxaa uu ka mid yahay rukunada asaasiga u ah horumar waara. Dalna hurmar ma sameeyo, haddii aanu dhaqaalaha dalkiisu kobcin. Dalku marka dhaqaalo yeesho ayuu dadkiisuna shaqooyin fiican, caafimaad, iyo wax barasho helaa, isla markana uu yeesha maal qabeeno hanti haysta.

Haddaba, si loo kobciyo dhaqalaha dalka, waa in gudi aqoon yahano ah loo xulo kobcinta dhaqalaha dalka, shaqada gudidani qabanayaan waa in ay noqoto:

  • Abuurida Baangiga horumarinta Somaliland (ama Somaliland Development Bank). Bangani oo qimayn iyo hirgalin ku sameeya mashruucyada dalka u bahan yahay, kadibna samiyo u qaybiya dadku iibsadan. Mashruucyadani ooy ka mid yihiin: Warshada Sibidhka ee Berbera; Hirgalinta Koranto jaban; Hirgalinta iyo casriyanta Beeraha sida Banka Wajaale iyo kuwa kale oo la mida ; Hirgalinta warshadaha yar yar eey ka midka taha warshada daqiiqda, baastada; iyo kuwa kale oo la mida; Kaluumaysiga iyo Casriyan dhaqida Xoolaha.
  • Dhiiri galinta wada lahanshaha mashruucyada qof kaliya aanu awoodin karin.
  • Ansixinta/Hirgalinta Xeerka Maal gashiga iyo Xeerarka kale ee dhaqalaha ee qabyada ah.
  • Ansixinta/Hirgalinta Xeerka Bangiyada Gabacsiga.
  • Ansixinta/Hirgalinta Xeerarka Ganacsiga sida Caymiska, sharkadaha la wada leeyahay.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida dhaqaaluhu ku shaqayn karan.

4- DASTUURKA 

Dastuurka Somaliland waxaa la qoray wakhti dawladnimadu la yagleelayay, oo dadka intiisa badani qaxooti ahaayeen, in badana ay dalka dibada uga maqnayd. Is qab qabsiga joogtada ee ka dhexeeya Xusbiyada, hay’adaha dawlada iyo siyaasiyiinta Somaliland, waxay murkhati u tahay in ayna jirin sharciyo iyo Dastuur kala xadaynaya awoodaha u dhexeeya. Teeda labada, dastuurku wali waa qabyo, waxaanu u bahan yahay in la dhamaystiro. Sida daradeed, waa in gudi aqoon yahano ah loo xulo, si ay dib-u-eegid ugu sameeyan dastuurka Somaliland. Dastuurka Somaliland waa in laga saro qodabada is burinaya iyo kuwa carqalada ku ah horumarka dalka.

5- GOLAHA GUURTIDA

GOLAHA GUURTIDA EE MUSTAQBALKU, kuwa jooga badali doona, waa in ay noqdaan GOLE QARAN, OO AH XULKA AQOON YAHANADA, IYO WAX GARADKA SOMALILAND. WAA INUU NOQDAAN HALDOORKA AMA LABEENTA UMMADA SOMALILAND, XUBINA FIRFIRCOONA WAA IN AYNA KA AHAYN XUSBIYADA QARANKA.

Sida daradeed, waa in dib loogu noqdo Qodabada dastuurka Somaliland ee ka hadlaya GOLAHA GUURTIDA, khasatan qodabada la xidhiidha awooda Golaha Guurtida iyo habka loo dooranayo Golaha Guurtida.

AWOODA GOLAHA GUURTIDA (ee Mustaqbalka):

  1. Golaha Guurti waa inuu noqdo gole xukuumada iyo golaha wakiilada (ama SIYAASIYIINTA) ku ilaaliya ku dhaqanka dastuurka, iyo sharciga dalka.
  2. Gole dib-u-eegid ku sameeya xeerkasta golaha wakiilada u soo gudbiyan oo dhan.
  3. Gole qata xeerarka muhiimada u leh dalka ee golaha wakiilada ansixin wayan. Haddii 2/3 Golaha Guurtida ku ansixiyaan xeer, waa inuu sida sharci ku noqdo.
  4. Golaha Guurtida waa in ay wada tashi joogta ah la yeeshaan wax garadka iyo aqoon yahanada Somaliland.

Teeda kale, waa inay jiran komishano madax banaan oo GOLAHA GUURITIDA (Mustaqbalka) hoos yimadan. Haddaba, KOMISHANADA MADAXA BANAAN EE GOLAHA GUURTIDA WAXAA KA MID AH:

  • KOMISHANKA NABADGALYADA
  • KOMISHANKA CADAALADA
  • KOMISHANKA WARBAAHINTA.
  • KOMISHANKA QANDARAASKA.
  • KOMISHANKA DAWLADA WANAAGA & LA DAGALANKA MUSUQ MASAQA.

HAY’ADA MADAXA BANAAN EE HOOS IMANAYA GOLAHA GUURTIDA (ee Mustaqbalka);

  • HAY’ADA HANTI DHAWRAHA GUUD (GENERAL AUDITOR).
  • HAY’ADA CASHUURTA.
  • HAY’ADA SHAQALAHA.
  • HAY’ADA BAANKA DHEXE.

6- DEMOCRACY DIMUQRADIYADA

Somaliland waxay qadatay habka dimuqradiga ah. Haddaba, Si XUSBIYADA QARANKA U NOQDAN KUWA UMMADA SOMALILAND WADA LEEYIHIIN OO DUMIQRADIYA. Waxaa loo bahan yahay in golaha wakiilada dhamaystiraan Xeerka maamula Ururada iyo Xusbiyada Siyaasada.

Dadka Somaliland waa in ay ogaadan, marka xusbiyada siyaasada la wada yeesho ayaa xukuumada ama dawlada la wada leeyahayna la helayaa.

Haddaba, qodabada ay tahay in lagu lifaaqayo xeerkani waa

  1. In gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka xusbi noqon karin musharaxa madaxwaynaha xusbiga. Haddii kale, sanad ka hore iska casilo gudoomiyanimada xusbiga. Iyo
  2. In xusbikasta loo diiwangaliyo tageerayaashooda. Waa in tageerayaasha Xusbigu soo xulan ergooyinka xusbiga (ama delegates). Kuwasi oo soo xulaya Gudida dhexe ee Xusbiga. Golaha dhexana waa in ay soo xulayaan hogaanka xusbiga iyo musharaxiinta Golaha Deganka, Wakiilada iyo Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka.

7- CASHUURTA URURINTA

Waa in la hirgalinta HAY’ADA CASHUUR URURINTA SOMALILAND (TREASURY DEPARTMENT). Hay’adani waa in ay ururiso cashuuraha dawlada dhexe iyo dawlada hoose, isla markana waa in la casriyeeyo habka loo ururiyo cashuurta.

Haddaba, SI SHACABKA SOMALILAND KALSOONI UGU QABAN INAY CASHUURTA BIXINAYAAN, waa in la abuuro HAY’ADA CASHUUR URURINTA (SOMALILAND TREASURY DEPARTMENT), oo madax banaan, Golaha Guurtida la shaqeeysa.

Shaqada Hay’ada Cashuur ururinta Somaliland waa in ay:

a) Cashuurta dawlada Dhexe iyo Dawladah hoose ururiso.

b) Maamusho xisaabadka dawladaha iyo amaaha dawladaha

c) Xoojiso, kuna ilaaliso sharcabku ku dhaqanka shuruucda cashuuraha.

d) Baadho, dacwad ku soo oogto kuwa cashuurta la baxsada.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Hay’ada Cashuur Ururinta.

8- HAY’ADA SHAQALAHA DAWLADA

SHAQAALAHA DAWLADA, WAA IN MUDNAANTA LA SIIYO AQOONTA QOFKA IYO INUU QOFKU U QALMO SHAQADA UU DALBANAYO. Sida daradeed, waa  in HAY’ADA SHAQALUHU madax banaanto, Golaha Guurtida la shaqayso.

Haddaba, shaqada Hay’da shaqaaluhu waa in ay noqoto:

  • Tababarida/tayanta shaqalaaha dawlada.
  • Tababarida/tayanta shaqalaaha dawlada.
  • U-doodida xuquuqda shaqaalaha dawlada, iyo siday mushaharka ay u qalman u heli lahaayeen
  • Shaqalayta iyo eriga shaqalaha hawl gabka ah, ama anshax xumo ku kaca.
  • Wakhtiga shaqada oo laga dhigo 7 Am – 2:00 Pm.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida Shaqalaha dawlada.

9- DAWLADAHA HOOSE/DHEXE

DAWLADA HOOSE.

Waa dib-u-habayn lagu sameeyo dawladaha hoose, waa in:

  • Mayarka iyo mayar ku xigeenada si toosa loo doorto. Iyo
  • Tirada golaha degaanada la dhimo, lagana dhigo nus (half).

SIDA DARADEED, XEERKA ISMAAMULKA GOBALADDA IYO DEGMOOYINKA XEER LR23 WAA IN DIB LOOGU NOQDO, LANA SAXO.

DAWLADA DHEXE.

XUKUMAD KOOBAN Xukumada Somaliland waa in ay ka kooban 15 Wasiir, 5 la-talaliye Madaxwaynah iyo 30 agaasimo. Loomana bahna Wasiir-ku-xigeeno iyo Wasiiro dawlaa.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida DIB-U-HABAYNTA DAWLADAHA, labada golana laga ansixiyo.

10- KOMISHANKA ODAY DHAQAMEEDKA

Komishankani waa in ay ka koobnadan Oday dhaqameeda Somaliland, waxayna dawlada kala shaqeeyan nabadgalyada dalka, khasatan degana miyiga.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!

DIB-U-HABAYNTA SOMALILAND

1) Haddii, aad Muwadin Somaliland tahay, tageersan tahayna Dib-U-Habaynta Somaliland Riix HALKANI

2)Haddii aad Saxiib wanaga Somaliland tahay, oo tageersan tahay Dib-U-Habaynta Somaliland Riix HALKANI

Qoraalkan ayaa sidoo kale laga heli karaa: English