Prof Ahmed Ismail Samater

Dr. Axmed I Samatar waa hogaamiyaha Macalester’s Institute for Global Citizenship, waxaanu qudbado badan ka jeediyay jamacado badan ooy ka mid yihiin Cornell, Harvard, Iowa, London School of African and Oriental Studies, London School of Economics and Political Science, Somali National University, Toronto, University of Amsterdam, University of Pennsylvania, North Carolina (Chapel Hill), York, University of Otago, and Wellesley College. Samatar waa qabiir dheer cilmiga siyaasada dhaqaalaha ee calamka, siyaasada, bulshada iyo horumarka Afrika. Waxaanu qoray ama cawiyay shan bug iyo in ka badan 40 qoraal ama article, ooy ka mid yihiin Beware of the Jihadist Component (New York Times, 2013)

Haddaba, Mudane waxaanu kaa codsanaynaa in aad nala qaadataan fulinta qodabada DAN-QAN (Somaliland-First) ka kooban yihiin. Fikaradani oo ka turjumaysa danta dadka iyo dalka Somaliland.
Mudane dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo DAN-QAN (Somaliland-First), kuwaasi oo isku hawla kana baaraandagay isku dubaridka Talooyin dhaxalgal u noqda aayatiinka Somaliland.
Muhimadda ugu wayn ee Talooyinka Somaliland-First waxay horseed u yihiin:

  • In dalka Somaliland helo Aqoonsiga caalami ah
  • In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
  • In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah ay u wada leeyihiin muwaadiniintiisu, sidoo kale in muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta

Mudane, dhaq dhaqa DAN-QAN (Somaliland-First) waxay ka kooban yihiin Muwaadiniin iyo Aqoonyahano reer Somaliland ah, oo jecel inuu dalkoodu helo isbadlkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee DAN-QAN (Somaliland-First).

Sidaasi darteed, Mudane waxaan kaa codsanaynaa in aad tageertid, nagana hawl gashid sidii sharciyada lagu hirgalinayo Talooyinka DAN-QAN (Somaliland-First) u hirgalin lahayd.
Hirgalinta DAN-QAN (Somaliland-First) waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani. Waxaanu diyaar idiin la nahay in aanu idiin kala shaqayno hirgalinteeda.

Please Login with the Login credentials we provided to you.