Eng. Mohamed Hashi Elmi waa siyaasiyiinta ugu caansan Somaliland. Sodankii sano ee ugu danbayayna waxaa uu ahaa xubin firfircoon oo ka mida siyaasada Somaliland. Eng. Mohamed Hashi waxaa uu ahaa asaasayaashi ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM. Eng. Mohamed Hashi Elmi waa dadka fara ku tiriska ah ee ku suntan dacadnimo, aamin, maamul hufnaan.
Jagooyinka dawlada ee qabtayna waxaa ka mida:
- Mayerka Hargaysa
- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
- Wasiirka Dhaqaalaha
Haddaba, waxaanu kaa codsanaynaa in aad nala qaadataan fulinta qodabada DAN-QAN (Somaliland-First) ka kooban yihiin. Fikaradani oo ka turjumaysa danta dadka iyo dalka Somaliland.
Mudane dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo DAN-QAN (Somaliland-First), kuwaasi oo isku hawla kana baaraandagay isku dubaridka Talooyin dhaxalgal u noqda aayatiinka Somaliland.
Muhimadda ugu wayn ee Talooyinka Somaliland-First waxay horseed u yihiin:
- In dalka Somaliland helo Aqoonsiga caalami ah
- In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
- In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah ay u wada leeyihiin muwaadiniintiisu, sidoo kale in muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta
Mudane, dhaq dhaqa DAN-QAN (Somaliland-First) waxay ka kooban yihiin Muwaadiniin iyo Aqoonyahano reer Somaliland ah, oo jecel inuu dalkoodu helo isbadlkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee DAN-QAN (Somaliland-First).
Sidaasi darteed, Mudane waxaan kaa codsanaynaa in aad tageertid, nagana hawl gashid sidii sharciyada lagu hirgalinayo Talooyinka DAN-QAN (Somaliland-First) u hirgalin lahayd.
Hirgalinta DAN-QAN (Somaliland-First) waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani. Waxaanu diyaar idiin la nahay in aanu idiin kala shaqayno hirgalinteeda.
Please Login with the Login credentials we provided to you.
Qoraalkan ayaa sidoo kale laga heli karaa:
English