Edna Adan Ismaciil waa maamulaha iyo asaasaha Edna Adan Maternity Hospital ee magalada Hargaysa, Somaliland. Edna Adan waxay dhiiri galisa, hormoodna u tahay dabargaynta gudniinka Furcooniga ah. Edni waxay ku dhalaty magaalada Hargaysa, waxbarashadeeda iyo tababarkeeda umulisada waxayn ku qaadatay dalka Ingiriiska . 1987 ilaa iyo 1991-kii waxay u shaqaynaysay WHO (World Health Organization), waxaanay ahayd Regional Technical Officer u qaabilsan cafimaadka hooyada iyo caruurta.
Masuuliyadeeda ugu wayn waxay isugu soo ururisay sidii dhaqamada soo jireenka ah ee waxyeelo caafimadka dumarka iyo caruurta u leh, loo soo afjari lahaa.
Mudaddii u dhaxaysay 1991 ilaa iyo 1997, waxay Edna Adan waxay ahayd wakiilka WHO ee dalka Djabouti. Waxaana intaa u dheer, shaqooyin dawlada oo maqam sare leh ooy qabatay, kuwasi oo uu ka mid ahaa in ay ahayd Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland sanadadii 2003 ilaa iyo 2006.
Haddaba, Marwo waxaanu kaa codsanaynaa in aad nala qaadataan fulinta qodabada DAN-QAN (Somaliland-First) ka kooban yihiin. Fikaradani oo ka turjumaysa danta dadka iyo dalka Somaliland.
Mudane dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo DAN-QAN (Somaliland-First), kuwaasi oo isku hawla kana baaraandagay isku dubaridka Talooyin dhaxalgal u noqda aayatiinka Somaliland.
Muhimadda ugu wayn ee Talooyinka Somaliland-First waxay horseed u yihiin:
- In dalka Somaliland helo Aqoonsiga caalami ah
- In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
- In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah ay u wada leeyihiin muwaadiniintiisu, sidoo kale in muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta
Marwo, dhaq dhaqa DAN-QAN (Somaliland-First) waxay ka kooban yihiin Muwaadiniin iyo Aqoonyahano reer Somaliland ah, oo jecel inuu dalkoodu helo isbadlkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee DAN-QAN (Somaliland-First).
Sidaasi darteed, Marwo waxaan kaa codsanaynaa in aad tageertid, nagana hawl gashid sidii sharciyada lagu hirgalinayo Talooyinka DAN-QAN (Somaliland-First) u hirgalin lahayd.
Hirgalinta DAN-QAN (Somaliland-First) waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani. Waxaanu diyaar idiin la nahay in aanu idiin kala shaqayno hirgalinteeda.
Please Login with the Login credentials we provided to you.