Tageer Dibuhabeynta Somaliland

DIB-U-HABAYNTA SOMALILAND (SOMALILAND FIRST).

Siyaasiyinta Somaliland waxaa sameeyan qaladkii ugu waynaa markay xoriyadeena sida dhibta yar u wareejiyeen. Haddaba, isracii qaldanaa ee siyaasiyiinta Somaliland sameeyan 1960 kii, waxaa laga jooga 56 sano oo ay dadka Somaliland dhibaatooyin aan la koobin karin ka soo gadheen, dhibtii qaladkaasi wali waa tagan yahay. Somaliland waxaa ay jirtay 25 Sano, wax badan oo dawladadihii kala danbeeyay iyo dadkuba qabsaday way jirtaa, lakiin haykalkii dawladnimo wax badan ayaa ka qabyo ah. Haddii aan dib u habayn lagu samayna waxaa sansaanteeda leedahay in ay mar labaad qaranimada Somaliland lunto, oo cadawga Somaliland ka faa’iidaysto.

Fikrada SOMALILAND-FIRST AMA ‘MAXAA SOMALILAND U DANAwaxay ka kooban tahay 10 gudi oo loo xulo si DIB-U-HABAYN (REFORM) ama SAXID lagu sameeyo arimahani .  Haddaba, gudiyadani waxa ay ka kooban yihiin:-

 

  • NABAD GALYADA  

Somalidu waxay hadal hayn u leedahay; NABAD IYO CAANO ama NABAD IYO BARWAQO (PEACE AND PROSPERITY). Nabad galyadu waa halbolaha horumarka iyo dawlad nimada. Haddii nabad galyadu khal khal gasho, qaran iyo horumarna jiri mayo. Sida daradeed, nabadgalyadu waa in la wada ilaashado. Ilaalinteedana waa in aan gacanta loo galin cid gaara oo siyaasad ahaan ama shakhsi ahaan uga faa’iidaysta. Haddaba, si ay nabad warta u hirgasho, waa in la abuuro KOMISHANKA NABADGALYAD QARANKA, kaasi oo si toosa u la shaqeeyan Golaha Guurtida. Komishanka Nabadgalyada Qaranaku waa inuu ka koobnado:

  • Gudi Nabadgalyada Magaalada. Gudidani oo dadka daganku soo xushan.
  • Dawlada hoose: Mayarada iyo Golaha Deganka.
  • Sarakiisha Ciidanka Qaranka ee Magalada dagan.
  • Wasaarada Arimaha Gudaha, Badhasabda, iyo Sarakiisha Booliska (Degmooyinka).
  • Oday dhaqameedka (Deganada Miyiga)

Haddaba, si Gudidani/Komishankani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Komishanka Nabadgalyada Qaranka, labada golana laga ansixiyo.

               

  • CADALADA

Somalidu waxaa tidhaa: “RAG CADAALAD WAAYAY SIDII CAWSHA KALA YAAC”. Haddii CADAALAD LA WAYO, NABADNA LA WAA, AMA ‘NO PEACE NO JUSTICE’. Haddaba, waaxda garsoorku waa in ay madax banaanato, kana madax banaanato xukuumad ama siyaasiyiinta. Sida daradeed, Waaxda garsoorku waa in ay si toosa ula shaqayso Golaha Guurtida (ee cusub). Gudidani ooy shaqadeedu tahay:

  • Tababarida/Tayayanta shaqaalaha Cadaalada; Garsoorayaasha, Xeer Ilaaliyaasha, IWM.
  • Sida shaqalahaa Cadaladu mushahar ku filan u heli lahaayeen. Iyo
  • Sida madaxbanaanida Cadaalada loo hirgalin lahaa.
  • Si xukunka maxkamdu loo fuliyo, waa in ay la shaqeeyan Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada.
  • In Gudidani noqoto meesha dadka u soo cawdan haddii cadal daro ku timado.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fushan waa in Amendment lagu sameeyo Dastuurka khasatan qabta la xidhiidha Cadaalada.

 

  • DHAQALAHA

Si loo kobciyo dhaqalaha dalka, waa in gudi aqoon yahano ah loo xulo kobcinta dhaqalaha dalka, shaqada gudidani qabanayaan waa in ay noqoto:

  • Abuurida Baangiga horumarinta Somaliland (ama Somaliland Development Bank). Bangani oo qimayn iyo hirgalin ku sameeya mashruucyada dalka u bahan yahay, kadibna samiyo u qaybiya dadku iibsadan. Mashruucyadani ooy ka mid yihiin: Warshada Sibidhka ee Berbera; Hirgalinta Koranto jaban; Hirgalinta iyo casriyanta Beeraha sida Banka Wajaale iyo kuwa kale oo la mida ; Hirgalinta warshadaha daqiiqda, baastada; iyo kuwa kale oo la mida;  Kaluumaysiga iyo Casriyan dhaqida Xoolaha.
  • Dhiiri galinta wada lahanshaha mashruucyada qof kaliya aanu awoodin karin.
  • Ansixinta/Hirgalinta Xeerka Maal gashiga iyo Xeerarka kale ee dhaqalaha ee qabyada ah.
  • Ansixinta/Hirgalinta Xeerka Bangiyada Gabacsiga.
  • Ansixinta/Hirgalinta Xeerarka Ganacsiga sida Caymiska, sharkadaha la wada leeyahay.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida dhaqaaluhu ku shaqayn karan, labada golana laga ansixiyo.

 

  • DASTUURKA                

Dastuurka Somaliland waxaa la qoray wakhti dawladnimadu la yagleelayay, oo dadka intiisa badani qaxooti ahaayeen, in badana ay dalka dibada uga maqnayd. Is qab qabsiga joogtada ee ka dhexeeya Xusbiyada, hay’adaha dawlada iyo siyaasiyiinta Somaliland, waxay murkhati u tahay in ayna jirin sharciyo iyo Dastuur kala xadaynaya awoodaha u dhexeeya. Teeda labada, dastuurku wali waa qabyo, waxaanu u bahan yahay in la dhamaystiro. Sida daradeed, waa in gudi aqoon yahano ah loo xulo, si ay dib-u-eegid ugu sameeyan dastuurka Somaliland. Dastuurka Somaliland waa in laga saro qodabada is burinaya iyo kuwa carqalada ku ah horumarka dalka.

 

 

  • GOLAHA GUURTIDA

Qodabada dastuurka Somaliland ee ka hadlaya GOLAHA GUURTIDA waa in dib loogu noqdo, khasatan kuwa la xidhiidha habka loo dooranayo Golaha Guurtida, tirada iyo awooda golaha Guurtida.

 

  • TIRADA GOLAHA GUURTIDA:

Golaha Guurtidu waa inuu noqdo gole qaran oo LA SOO XULO, oo ka kooban HALDOORKA AMA LABEENTA UMMADA SOMALILAND.

AWOODA GOLAHA GUURTIDA:

  1. Golaha Guurti waa inuu noqdo gole xukuumada iyo golaha wakiilada (ama SIYAASIYIINTA) ku ilaaliya ku dhaqanka dastuurka, iyo sharciga dalka.
  2. Gole dib-u-eegid ku sameeya xeerkasta golaha wakiilada u soo gudbiyan oo dhan.
  3. Gole qata xeerarka muhiimada u leh dalka ee golaha wakiilada ansixin wayan. Haddii 2/3 Golaha Guurtida ku ansixiyo xeerarkaasi, waa in ayna dib ugu gudbin Golaha Wakiilada, ee uu sidaa sharci ku noqdo.
  4. Golaha Guurtida waa in ay wada tashi joogta ah la yeeshaan haldoorka aqoonyahaynada Somaliland.

 

Teeda kale, waa inay jiraan komishano madax banana oo GOLAHA GUURTIDA hoos imanaya.

Haddaba, KOMISHANADA MADAXA BANAAN EE GOLAHA GUURTIDA waxaa ka mida ah:

  • KOMISHANKA WARBAAHINTA.
  • KOMISHANKA QANDARAASKA.
  • KOMISHANKA DAWLADA WANAAGA & MUSUQ MASAQA.

GOLAHA/KOMISHANKA MADAXA BANAAN EE HOOS IMANAYA GOLAHA GUURTIDA

  • GOLAHA/KOMISHANKA CULAMADA. Iyo
  • GOLAHA/KOMISHANKA ODAYAASHA DHAQANKA.

HAY’ADA MADAXA BANAAN EE HOOS IMANAYA GOLAHA GUURTIDA;

  • HAY’ADA HANTI DHAWRAHA GUUD (GENERAL AUDITOR).
  • HAY’ADA CASHUURTA.
  • HAY’ADA SHAQALAHA.
  • HAY’ADA BAANKA DHEXE.

 

 

 

  • DIMUQRADIYADA

Somaliland waxay qadatay habka dimuqradiga ah, sida daradeed waxaa loo bahan yahay in golaha wakiilada dhamaystiraan Xeer-14, Si XUSBIYADA QARANKA U NOQDAN KUWA UMMADA SOMALILAND WADA LEEYIHIIN OO DUMIQRADIYA. Haddaba, qodabada ay tahay in lagu lifaaqayo xeerkani waa:

  • In gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka xusbi noqon karin musharaxa madaxwaynaha xusbiga. Haddii kale, sanad ka hore iska casilo gudoomiyanimada xusbiga.
  • In la sameeyo ergooyinka (ama delegates) xusbiga. In la diiwan galiya tageerayasha xusbiga, kadibna tageerayasha Xusbigu soo xushan ergooyinka (ama delegates) xusbiga.

 

Sida daraadeed, ergooyinka (ama delegates) xusbigu noqdan kuwa soo xulaya: Golaha dhexe ee xusbiga. Musharaxiinta golaha deganka, golaha wakiilada iyo madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka.

  • CASHUURTA URURTADA IYO KU DHAQANKA XEEERARKA CASHUURTA

Hirgalinta hay’ada cashuurta ururisa waa in ay madax banaanato, oo Golaha Guurtida hoos tagta. Cashuurtu waa cidkasta oo awoodi karta bixiso, waana in cashuurtu noqoto mid aan badnayn, oo dadka kalifaad ku ahayn. Hay’adani waa in ay ururisa cashuuraha dawlada dhexe iyo dawlada hoose, isla markana waa in la casriyeeyo habka loo ururiyo cashuurta.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida Cashuur Ururinta Qaranka, labada golana laga ansixiyo.

  • HAYDA SHAQALAHA

Hay’ada shaqaluhu waa in ay noqoto mid madaxbanaan, oo hoos tagta Golaha Guurtida, oo awoodeeduna tahay:

  • Tababarida/tayanta shaqalaaha dawlada.
  • Mushahar ku filan la siiyo shaqalaha.
  • Shaqalayta iyo eriga shaqalaha.
  • Wakhtiga shaqada oo laga dhigo 7 Am – 2:00 Pm.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida Shaqalaha dawlada, labada golana laga ansixiyo.

 

  • DAWLADAHA HOOSE/DHEXE

 

  1. DAWLADA HOOSE.

Waa dib-u-habayn lagu sameeyo dawladaha hoose, waa in:

  • Mayarka iyo mayar ku xigeenada si toosa loo doorto. Iyo
  • Tirada golaha degaanada la dhimo, lagana dhigo nus (half).

 

  1. XUKUMAD KOOBAN

Xukumada ka kooban 15 Wasiir, 5 la-talaliye Madaxwaynah iyo 30 agaasimo. Loomana bahna Wasiir-ku-xigeeno iyo Wasiiro dawla.

Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida DIB-U-HABAYNTA DAWLADAHA, labada golana laga ansixiyo.

 

  • GOLAHA CULUMO DIINKA iyo GOLAHA ODAY DHAQAMEEDKA  

Haddaba, si loo sameeyo GOLAHA CULUMIDA DIINTA IYO GOLAHA ODAY DHAQAMEEDADA waa in Amendment lagu sameeyo Dastuurka

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!

Somaliland Citizens Click HERE to support these REFORMS

Friends of Somaliland Click HERE to support these REFORMS

Qoraalkan ayaa sidoo kale laga heli karaa: English