Mudane Madaxwayne
Waxaan ixtiraam farobadan kuugu hayna halgankii dheera eed dib u xoraynta dalka aad u soo gashay iyo hirgalinta mashaariic waawayn oo horumarka dalkeena curdinka ah lafdhabar u ah.
Mudane Madaxwayne, waxaa taariikhda ku markhti furaysaa adiga oo dhawraya wada jirka dadka iyo dalka Somaliland in aad doorashaeii Madaxtooyada aad 80 cod uga tanasushay.
Haddaba, Mudane Madaxwayne waxa kaa codsanaynaa in aad nala qaadataan fulinta qodabada DAN-QAN (Somaliland-First) ka kooban yihiin. Fikaradani oo ka turjumaysa danta dadka iyo dalka Somaliland.
Mudane dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo DAN-QAN (Somaliland-First), kuwaasi oo isku hawla kana baaraandagay isku dubaridka Talooyin dhaxalgal u noqda aayatiinka Somaliland.
Muhimadda ugu wayn ee Talooyinka Somaliland-First waxay horseed u yihiin:
- In dalka Somaliland helo Aqoonsiga caalami ah
- In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
- In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah ay u wada leeyihiin muwaadiniintiisu, sidoo kale in muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta
Marwo, dhaq dhaqa DAN-QAN (Somaliland-First) waxay ka kooban yihiin Muwaadiniin iyo Aqoonyahano reer Somaliland ah, oo jecel inuu dalkoodu helo isbadlkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee DAN-QAN (Somaliland-First).
Sidaasi darteed, Marwo waxaan kaa codsanaynaa in aad tageertid, nagana hawl gashid sidii sharciyada lagu hirgalinayo Talooyinka DAN-QAN (Somaliland-First) u hirgalin lahayd.
Hirgalinta DAN-QAN (Somaliland-First) waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani. Waxaanu diyaar idiin la nahay in aanu idiin kala shaqayno hirgalinteeda.
Â
Please Login with the Login credentials we provided to you.