Madaxwayne Dahir Riyale Kahin waxaa taariikhda u gashay inuu noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay dalka Somaliland iyo qarada Afrika si nabad galya ah madaxnimada u wareejiya.
Mudane Madaxwayne dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo DAN-QAN (Somaliland-First), kuwaasi oo isku hawlay kana baaraandagay isku dubaridka talooyin dhaxalgal u noqda horumarka dalkeena.
Muhimadda ugu wayn ee talooyinka DAN-QAN (Somaliland-First) waxay horseed u yihiin:
- In dalka Somaliland hesho Aqoonsiga caalami ah.
- In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
- In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah ay u wada leeyihiin muwaadiniin Somaliland, sidoo kale in muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta.
Mudane Madaxwayne dhaq dhaqa DAN-QAN (Somaliland-First) waxay ka kooban yihiin Muwaadiniin, Waxgarad iyo Aqoonyahano reer Somaliland, ee jecel inuu dalkoodu helo isbadkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee DAN-QAN (Somaliland-First).
Hirgalinta talooyinka DAN-QAN (Somaliland-First) waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani, diyaarna u ah in ay nagala shaqeeyan.
Haddaba, waxaanu kaa codsanaynaa Mudane Madaxwayne in aad nagala shaqaysid, si dalka looga hirgaliyo qodabada aanu kor ku xusnay.
Aad ayaad u mahadsan tahay.
Please Login with the Login credentials we provided to you.