Mudane Madaxweyne:

Marka hore, waxaan kuu hanbalyaynaa in aad noqotay  madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xisbiga Kulmiye soo bandhigay.

Mudane Madaxweyne, dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo Somaliland-First, kuwaasi oo isku hawlay kana baaraandagay isku dubaridka Talooyin dhaxalgal u noqda aayatiinka dalkeena.

Mudane Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa in aad nala qaadataan fulinta qodabada Somaliland-First ka kooban tahay. Fikaradani oo ka turjumaysa danta dadka iyo dalka Somaliland.

Muhimadda ugu wayn ee Talooyinka Somaliland-First waxay horseed u yihiin:

  • In dalka Somaliland helo Aqoonsiga caalami ah.
  • In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
  • In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah, u wada leeyihiin muwaadiniintiisu, sidoo kalena muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta.

Mudane Madaxweyne, dhaq dhaqa Somaliland-First waxay ka kooban yihiin Muwaadiniin iyo Aqoonyahano reer Somaliland ah, oo jecel inuu dalkoodu helo isbadlkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee Somaliland-First.

Sidaasi darteed, Mudane Madaxweyne cod-bixiyaashu waxay kaa codsanaynaa in aad tageerto, kuna dartid mabaadii’da Somaliland-First qorshaha ku talo galka dawladaad soo dhistey ay fulineyso mar haddii aad doorashadii ku guuleysatey. Mabaadii’daasi oo iyagoo faahfaahsan isla markaasina is fasiraya halkan ku lifaaqan.

Hirgalinta Somaliland-First waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani. Waxaanu diyaar idiin la nahay in aanu idiin kala shaqayno hirgalinteeda.

Tageer Dib-u-habeynta Somaliland

Please Login with the Login credentials we provided to you.