Bulshada rayid ama ‘Grassroot’ waa seeska Ahramta siyaasada ee qaran oo kale. Ahramtu waa dhismayaasha Masar ee qadimiga ah, kuwaasi oo hoosta ka balaadhan, xageeda sarana ka dhuuban.
Haddaba, sida Ahmarta oo kale, awooda maamul ee dalku waxay ?isugu ururtaa xaga sare, oo ku kooban koox yar oo maamula dadka iyo dalka. Kooxdani oo ka kooban dawlada, dadka la doorto ama la magacaabo, hogaamiya yaash xusbiyada siyaasada iyo dadka kale ee awood ay ku maamulan dadka leh.
Haddaba, sida salka Ahramta oo kale, ayay Bulshada rayid ama ‘Grassroot-ku’ ay ka kooban tahay dadka intiisa kale oo dhan. Haddab sida isku abaabulaan Bulshada rayid ayaa ku xidhantay dawlada uu dalkaasi leeyahay iyo dalka ay ku noolanaya nooca uu noqonayo.
Dhaqdhaqaaqyada Bulshada Rayidka ee firfircooni waxaa ay sabab u noqon karaan in ay dalka ka dhaliyaan isbedel siyaasadeed oo la mahadiyo, iyaga ayaa gaadhsiin kara shacabka fariimaha isbedela siyaasadeed.
Waxay adeegsan karaan fariimo hadal ama qoraal ah oo la isugu gudbiyo dhinaca Telefoonka, waxa kale oo dhaqdhaqaaqyada Bulshada Rayidka ku garaaci karaan albaabada guryaha muwaadiniinta ah, si ay fariinta olalahooda shacabka ugu gaadbiyaan. Waxa kale oo ay adeegsan karaan isgaadhsiinta bulshada (socail media), gaar ahaan Emailada, facebook-ga iyo twitter-ka.
Waxaa kale oo ay samayn karaan mudaharaado nabad ah oo ay wadooyinka isugu soo bixaan. Fariimahooda waxaa kale oo ay ummada ku gaadhsiin karaan saxaafada madaxa banaan, sida jariiradaha, website-yada iyo Telefishinada.
Iyadoo adeegsanaya qaababkaasi aynu soo sheegnay, waxa kale oo ay ololaha Bulshada qaadhaan iyo taborucaad lacageed oo lagu socodsiiyo hirgalinta mowqofka siyaasadeed eey aaminsan yihiin si uu u hirgalo.