Dibuhabeynta Somaliland-S Dibuhabeynta Somaliland-S Maclumadka aad na siiso, waxa isticmalaya oo kaliya Isbahaysiga DAN-QARAN (Somaliland-First). Cidkale oo ka baxsan ma isticmaali karto. MUNFADLAK, BUUXI FOOMKANI MAR KALIYA. AAD AYAAD U MAHADSAN TAHAY.Name* Magacaga Magaca Aabaha Magaca Awoowga Address* City AfghanistanAlbaniaAlgeriaAmerican SamoaAndorraAngolaAntigua and BarbudaArgentinaArmeniaAustraliaAustriaAzerbaijanBahamasBahrainBangladeshBarbadosBelarusBelgiumBelizeBeninBermudaBhutanBoliviaBosnia and HerzegovinaBotswanaBrazilBruneiBulgariaBurkina FasoBurundiCambodiaCameroonCanadaCape VerdeCayman IslandsCentral African RepublicChadChileChinaColombiaComorosCongo, Democratic Republic of theCongo, Republic of theCosta RicaCôte d'IvoireCroatiaCubaCuraçaoCyprusCzech RepublicDenmarkDjiboutiDominicaDominican RepublicEast TimorEcuadorEgyptEl SalvadorEquatorial GuineaEritreaEstoniaEthiopiaFaroe IslandsFijiFinlandFranceFrench PolynesiaGabonGambiaGeorgiaGermanyGhanaGreeceGreenlandGrenadaGuamGuatemalaGuineaGuinea-BissauGuyanaHaitiHondurasHong KongHungaryIcelandIndiaIndonesiaIranIraqIrelandIsraelItalyJamaicaJapanJordanKazakhstanKenyaKiribatiNorth KoreaSouth KoreaKosovoKuwaitKyrgyzstanLaosLatviaLebanonLesothoLiberiaLibyaLiechtensteinLithuaniaLuxembourgMacedoniaMadagascarMalawiMalaysiaMaldivesMaliMaltaMarshall IslandsMauritaniaMauritiusMexicoMicronesiaMoldovaMonacoMongoliaMontenegroMoroccoMozambiqueMyanmarNamibiaNauruNepalNetherlandsNew ZealandNicaraguaNigerNigeriaNorthern Mariana IslandsNorwayOmanPakistanPalauPalestine, State ofPanamaPapua New GuineaParaguayPeruPhilippinesPolandPortugalPuerto RicoQatarRomaniaRussiaRwandaSaint Kitts and NevisSaint LuciaSaint Vincent and the GrenadinesSaint MartinSamoaSan MarinoSao Tome and PrincipeSaudi ArabiaSenegalSerbiaSeychellesSierra LeoneSingaporeSint MaartenSlovakiaSloveniaSolomon IslandsSomaliaSouth AfricaSpainSri LankaSudanSudan, SouthSurinameSwazilandSwedenSwitzerlandSyriaTaiwanTajikistanTanzaniaThailandTogoTongaTrinidad and TobagoTunisiaTurkeyTurkmenistanTuvaluUgandaUkraineUnited Arab EmiratesUnited KingdomUnited StatesUruguayUzbekistanVanuatuVatican CityVenezuelaVietnamVirgin Islands, BritishVirgin Islands, U.S.YemenZambiaZimbabwe Country Email* Enter Email Confirm Email Telefoon (Optional)1- NABAD GALYADA*Somalidu waxay hadal hayn u leedahay; NABAD IYO CAANO ama NABAD IYO BARWAQO (PEACE AND PROSPERITY). Nabad galyadu waa halbolaha horumarka iyo dawlad nimada. Haddii nabad galyadu khal khal gasho, qaran iyo horumarna jiri mayo. Sida daradeed, nabadgalyadu waa in la wada ilaashado, oon dawlad oo kaliya lagu halayn. Teeda kalana waa in ilaalinta nabada gacanta loo galin cid gaara oo siyaasad ahaan ama shakhsi ahaan uga faa’iidaysta. Haddaba, si ay nabad warta u hirgasho, waa in la abuuro KOMISHANKA NABADGALYAD QARANKA. Komishankani oo la shaqeeyan Golaha Guurtida. Komishanka Nabadgalyada Qaranaku waa inuu ka koobnado: A) Gudi Nabadgalyada Magaalada. Gudidani oo dadka daganku soo xushan. B) Dawlada hoose: Mayarada iyo Golaha Deganka. C) Wasaarada Arimaha Gudaha, Badhasabda, iyo Sarakiisha Booliska (Degmooyinka). D) Oday dhaqameedka (Deganada Miyiga). Haddaba, si Gudidani/Komishankani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Komishanka Nabadgalyada Qaranka, labada golana laga ansixiyo.AgreeDisagree2 - CADALAD*Somalidu waxaa tidhaa: “RAG CADAALAD WAAYAY SIDII CAWSHA KALA YAAC”. Haddii CADAALAD LA WAYO, NABADNA LA WAA, AMA ‘NO PEACE NO JUSTICE’. Waaxda garsoorku waa in ay madax banaanato, kana madax banaanato xukuumad ama siyaasiyiinta. Haddaba, si CADAALAD UMMUDU KU KALSOONATO LOO HELO, waa in la abuuro KOMISHANKA CADAALADA , oo la shaqaya Golaha Guurtida ee Mustaqbalka. Shaqada KOMISHANKA CADAALADA waa inuu noqodo: A) Tababarida/Tayayanta shaqaalaha Cadaalada; Garsoorayaasha, Xeer Ilaaliyaasha, IWM. B) U-ola’leeyaan, siday shaqalahaa Waaxda Garsoorku mushaharka ay u qalma u heli lahaayeen. Iyo C) Waa in Komishankani noqdo kuwa dadka u soo cawdan haddii cadal daro ku timado. Haddaba, si gudidani hawshooda u fushan waa in Amendment lagu sameeyo Dastuurka khasatan qabta la xidhiidha Cadaalada.AgreeDisagree3 - DHAQALE*Kobcinata dhaqaluhu waxaa uu ka mid yahay rukunada asaasiga u ah horumar waara. Dalna hurmar ma sameeyo, haddii aanu dhaqaalaha dalkiisu kobcin. Dalku marka uu dhaqaalo yeesho ayuu dadkiisuna shaqooyin fiican, caafimaad, iyo wax barasho helaa, isla markana uu yeesha maal qabeeno hanti haysta. Haddaba, si loo kobciyo dhaqalaha dalka, waa in gudi aqoon yahano ah loo xulo kobcinta dhaqalaha dalka, shaqada gudidani qabanayaan waa in ay noqoto: a) Abuurida Baangiga horumarinta Somaliland (ama Somaliland Development Bank). Bangani oo qimayn iyo hirgalin ku sameeya mashruucyada dalka u bahan yahay, kadibna samiyo u qaybiya dadku iibsadan. Mashruucyadani ooy ka mid yihiin: Warshada Sibidhka ee Berbera; Hirgalinta Koranto jaban; Hirgalinta iyo casriyanta Beeraha sida Banka Wajaale iyo kuwa kale oo la mida ; Hirgalinta warshadaha daqiiqda, baastada; iyo kuwa kale oo la mida; Kaluumaysiga iyo Casriyan dhaqida Xoolaha. b) Dhiiri galinta wada lahanshaha mashruucyada qof kaliya aanu awoodin karin. c) Ansixinta/Hirgalinta Xeerka Maal gashiga iyo Xeerarka kale ee dhaqalaha ee qabyada ah. d) Ansixinta/Hirgalinta Xeerka Bangiyada Gabacsiga. e) Ansixinta/Hirgalinta Xeerarka Ganacsiga sida Caymiska, sharkadaha la wada leeyahay. Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida dhaqaaluhu ku shaqayn karan, labada golana laga ansixiyo.AgreeDisagree4 - DASTUURKA*Dastuurka Somaliland waxaa la qoray wakhti dawladnimadu la yagleelayay, oo dadka intiisa badani qaxooti ahaayeen, in badana ay dalka dibada uga maqnayd. Is qab qabsiga joogtada ee ka dhexeeya Xusbiyada, hay’adaha dawlada iyo siyaasiyiinta Somaliland, waxay murkhati u tahay in ayna jirin sharciyo iyo Dastuur kala xadaynaya awoodaha u dhexeeya. Teeda labada, dastuurku wali waa qabyo, waxaanu u bahan yahay in la dhamaystiro. Sida daradeed, waa in gudi aqoon yahano ah loo xulo, si ay dib-u-eegid ugu sameeyan dastuurka Somaliland. Dastuurka Somaliland waa in laga saro qodabada is burinaya iyo kuwa carqalada ku ah horumarka dalka.AgreeDisagree5 - GOLAHA GUURTIDA*GOLAHA GUURTIDA EE MUSTAQBALKU waa inuu noqdo GOLE QARAN, OO AH XULKA AQOON YAHANADA, IYO WAX GARADKA SOMALILAND. WAA INUU NOQDO HALDOORKA AMA LABEENTA UMMADA SOMALILAND. XUSBIYADA QARANKANA KA TIRSANAYN. Sida daradeed, waa in dib loogu noqdo Qodabada dastuurka Somaliland ee ka hadlaya GOLAHA GUURTIDA, khasatan qodabada la xidhiidha awooda Golaha Guurtida iyo habka loo dooranayo Golaha Guurtida. AWOODA GOLAHA GUURTIDA: a) Golaha Guurti waa inuu noqdo GOLAHA DAN QARAN, ee xukuumada iyo golaha wakiilada (ama SIYAASIYIINTA) ku ilaaliya ku dhaqanka dastuurka, iyo sharciga dalka. b) Gole dib-u-eegid ku sameeya xeerkasta golaha wakiilada u soo gudbiyan oo dhan. c) Gole qata xeerarka muhiimada u leh dalka ee golaha wakiilada ansixin wayan. Haddii 2/3 Golaha Guurtida ku ansixiyo xeerarkaasi, waa in ayna dib ugu gudbin Golaha Wakiilada, ee uu sidaa sharci ku noqdo. d) Golaha Guurtida waa in ay wada tashi joogta ah la yeeshaan haldoorka aqoonyahaynada Somaliland. e) KOMISHANADA MADAXA BANAAN EE GOLAHA GUURTIDA HOOS IMANAYA WAA. KOMISHANADA MADAXA BANAAN EE GOLAHA GUURTIDA WAXAA KA MID AH: a) KOMISHANKA NABADGALYADA b) KOMISHANKA CADAALADA c) KOMISHANKA WARBAAHINTA. b) KOMISHANKA QANDARAASKA. c) KOMISHANKA DAWLADA WANAAGA & LA DAGANKA MUSUQ MASAQA. HAY’ADA MADAXA BANAAN EE HOOS IMANAYA GOLAHA GUURTIDA: a) HAY’ADA HANTI DHAWRAHA GUUD (GENERAL AUDITOR). b) HAY’ADA CASHUURTA. c) HAY’ADA SHAQALAHA. f) HAY’ADA BAANKA DHEXE.Agree6 - DIMUQRADIYADA*Somaliland waxay qadatay habka dimuqradiga ah. Haddaba, Si XUSBIYADA QARANKA U NOQDAN KUWA UMMADA SOMALILAND WADA LEEYIHIIN OO DUMIQRADIYA. Waxaa loo bahan yahay in golaha wakiilada dhamaystiraan Xeerka maamula Ururada iyo Xusbiyada Siyaasada. Dadka Somaliland waa in ay ogaadan, marka xusbiyada siyaasada la wada yeesho ayaa xukuumada ama dawlada la wada leeyahayna la helayaa. Haddaba, qodabada ay tahay in lagu lifaaqayo xeerkani waa: a) In gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka xusbi noqon karin musharaxa madaxwaynaha xusbiga. Haddii kale, sanad ka hore iska casilo gudoomiyanimada xusbiga. b) In xusbikasta loo diiwangaliyo tageerayaashooda. Waa in tageerayaasha Xusbigu soo xulan ergooyinka xusbiga (ama delegates). Kuwasi oo soo xulaya Gudida dhexe ee Xusbiga. Golaha dhexana waa in ay soo xulaan hogaanka xusbiga iyo musharaxiinta Golaha Deganka, Wakiilada iyo Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka. AgreeDisagree7 - CASHUURTA URURTA*Waa in la hirgalinta HAY’ADA CASHUUR URURINTA SOMALILAND (TREASURY DEPARTMENT). Hay’adani waa in ay ururiso cashuuraha dawlada dhexe iyo dawlada hoose, isla markana waa in la casriyeeyo habka loo ururiyo cashuurta. Haddaba, SI SHACABKA SOMALILAND KALSOONI UGU QABAN INAY CASHUURTA BIXINAYAAN, waa in la abuuro HAY’ADA CASHUUR URURINTA (SOMALILAND TREASURY DEPARTMENT), oo madax banaan, Golaha Guurtida la shaqeeysa. Shaqada Hay’ada Cashuur ururinta Somaliland waa: 1. Cashuurta dawlada Dhexe iyo Dawladah hoose ururiso. 2. In ay maamusho xisaabadka dawladaha iyo amaaha dawladaha. 3. In xoojiso, kuna ilaaliso sharcabku ku dhaqanka shuruucda cashuuraha. 4. In baadhis, dacwad ku soo oogto kuwa cashuurta la baxsada. AgreeDiasagree8 - HAYDA SHAQALAHA*SHAQAALAHA DAWLADA, WAA IN MUDNAANTA LA SIIYO AQOONTA QOFKA IYO INUU QOFKU U QALMO SHAQADA UU DALBANAYO. Sida daradeed, waa in HAY’ADA SHAQALUHU madax banaanto, Golaha Guurtida la shaqayso. Haddaba, shaqada Hay’da shaqaaluhu waa in ay noqoto: A. Tababarida/tayanta shaqalaaha dawlada. B. U-doodida xuquuqda shaqaalaha dawlada, iyo siday mushaharka ay u qalman u heli lahaayeen. C. Shaqalayta iyo eriga shaqalaha. D. Wakhtiga shaqada oo laga dhigo 7 Am – 2:00 Pm. Haddaba, si gudidani hawshooda u fuliyan waa in la sameeyo Xeerka Gudida Shaqalaha dawlada, labada golana laga ansixiyo.AgreeDisagree9 - DAWLADAHA DHEXE/HOOSE*A) XUKUMAD KOOBAN Xukumada Somaliland waa in ay ka kooban 15 Wasiir, 5 la-talaliye Madaxwaynah iyo 30 agaasimo. Loomana bahna Wasiir-ku-xigeeno iyo Wasiiro dawla. B) DAWLADA HOOSE. Waa dib-u-habayn lagu sameeyo dawladaha hoose, waa in: a) Mayarka iyo mayar ku xigeenada si toosa loo doorto. Iyo b) Tirada golaha degaanada la dhimo, lagana dhigo NUS (HALF). SIDA DARADEED, XEERKA ISMAAMULKA GOBALADDA IYO DEGMOOYINKA XEER LR23 WAA IN DIB LOOGU NOQDO, LANA SAXO.AgreeDisagree10 - GOLAHA CULUMO DIINKA iyo GOLAHA ODAY DHAQAMEEDKA*Haddaba, si loo sameeyo GOLAHA CULUMIDA DIINTA IYO GOLAHA ODAY DHAQAMEEDADA waa in Amendment lagu sameeyo Dastuurka Somaliland.AgreeDisagreeCommentCAPTCHA