Mudane Madaxwayne Ku-xigeen;

Anagoo kuu hayna ixtiraam farobadan isla markaasina ogsoon tacabka iyo horumarka dalka aad gaadhsiiseen adiga iyo Madaxwaynuhu.

Mudane Madaxwayne-ku-Xigeen dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Somaliland oo lagu magacaabo Somaliland-First, kuwaasi oo isku hawlay kana baaraandaga isku dubaridka Talooyin dhaxalgal u noqda aayatiinka dalkeena.

Mudane Madaxwayne-ku-Xigeen waxaanu kaa codsanaynaa in aad taageertid kana qayb gashid fulinta qodabada Somaliland-First. Fikaradani oo ka turjumaysa danta dadka iyo dalka Somaliland.

Muhimadda ugu wayn ee Talooyinka Somaliland-First waxay horseed u yihiin:

  • In dalka Somaliland helo Aqoonsiga caalami ah.
  • In muwaadiniinta Somaliland noqdaan shicib midaysan, isna aaminsan oo ay ka go’an tahay horumarka dalkooda, meela uga soo wada jeeda cadawgooda.
  • In dalka Somaliland noqdo mid si dhab ah, u wada leeyihiin muwaadiniintiisu, sidoo kalena muwaadiniinta Somaliland si buuxda u helaan Cadaalad, Nabadgalyo iyo Barwaqo waarta.

Mudane Madaxwayne Ku-Xigeen, dhaqdhaqa Somaliland-First waxaa uu ka kooban yihiin Muwaadiniin iyo Aqoonyahano reer Somaliland ah, oo jecel inuu dalkoodu helo isbadlkaasi kor ku xusan, kaasi oo guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibada ay si buuxda u tageersan yihiin Talooyinka wax ku oolka ah ee Somaliland-First.

Sidaasi darteed, Mudane Madaxwayne Ku-Xigeen waxaan kaa codsanaynaa in aad ka hawl gashid sidii dalka looga hirgalin lahaa Talooyinka Somaliland-First. Isla markaasna loo dhamaystiri lahaa gudiyo heer qaran ah, oo awoodii maamul iyo kuwa ay ku fuliyan talooyinka Somaliland-First leh. Talooyinkaasi oo iyagoo faahfaahsan isla markaasina is fasiraya halkan ku lifaaqan.

Hirgalinta Somaliland-First waxaay u bahan tahay aqoonyahano dacad ah oo aaminsan fikrada ay xambarsan tahay aragtidani. Waxaanu diyaar idiin la nahay in aanu idiin kala shaqayno hirgalinteeda.

Tageer Dib-u-habeynta Somaliland

Please Login with the Login credentials we provided to you.