GOLAHA GUURTIDA

GOLAHA GUURTIDA EE MUSTAQBALKU waa inuu noqdo GOLE QARAN, OO AH XULKA AQOON YAHANADA, IYO WAX GARADKA SOMALILAND. WAA INUU NOQDO HALDOORKA AMA LABEENTA UMMADA SOMALILAND. XUSBIYADA QARANKANA KA TIRSANAYN.

Sida daradeed, waa in dib loogu noqdo Qodabada dastuurka Somaliland ee ka hadlaya GOLAHA GUURTIDA, khasatan qodabada la xidhiidha awooda Golaha Guurtida iyo habka loo dooranayo Golaha Guurtida.

AWOODA GOLAHA GUURTIDA:

a) Golaha Guurti waa inuu noqdo GOLAHA DAN QARAN,  ee xukuumada iyo golaha wakiilada (ama SIYAASIYIINTA) ku ilaaliya ku dhaqanka dastuurka, iyo sharciga dalka.

b) Gole dib-u-eegid ku sameeya xeerkasta golaha wakiilada u soo gudbiyan oo dhan.

c) Gole diyaariya, oo qora xeerarka muhiimada u leh dalka ee golaha wakiilada (ama siyaasiyiintu) ansixin kari wayan. Haddii 2/3 Golaha Guurtida ku ansixiyo xeerarkaasi, waa in ayna dib ugu gudbin Golaha Wakiilada, ee uu sidaa sharci ku noqdo.

d) Golaha Guurtida waa in ay wada tashi joogta ah la yeeshaan wax garadka iyo aqoon yahanada Somaliland.

Teeda kale, waa inay jiran komishano madax banaan oo GOLAHA GUURITIDA (Mustaqbalka) hoos yimadan. Haddaba, KOMISHANADA MADAXA BANAAN EE GOLAHA GUURTIDA WAXAA KA MID AH:

  • KOMISHANKA NABADGALYADA
  • KOMISHANKA CADAALADA
  • KOMISHANKA WARBAAHINTA.
  • KOMISHANKA QANDARAASKA.
  • KOMISHANKA DAWLADA WANAAGA & LA DAGALANKA MUSUQ MASAQA.

HAYADA MADAXA BANAAN EE HOOS IMANAYA GOLAHA GUURTIDA (ee Mustaqbalka);

  • HAYADA HANTI DHAWRAHA GUUD (GENERAL AUDITOR).
  • HAYADA CASHUURTA.
  • HAYADA SHAQALAHA.
  • HAYADA BAANKA DHEXE.