Hadafka ISBAHAYSIGA MUWADINYIIINTA SOMALILAND (IMSL)

Dhiirigalinta iyo adkaynta wadajirka iyo midnimada dadka Reer Somaliland iyadoon loo eegin qabiil ama xisbi. Iyo, in dib-u-habeyn lagu sameeyo hannaanka dawladnimo ee Somaliland iyada oo la soo bandhigayo aragti ka duulaysa sida loo heli lahaa Nabad, Cadalad iyo Barwaaqo, loona marayo wada-hadallo u dhexeeya dadweynaha Somaliland.