DIMUQRADIYADDA

Somaliland waxay qadatay habka dimuqradiga ah. Haddaba, Si XUSBIYADA QARANKA U NOQDAN KUWA UMMADA SOMALILAND WADA LEEYIHIIN OO DUMIQRADIYA.  Waxaa loo bahan yahay in golaha wakiilada dhamaystiraan Xeerka maamula Ururada iyo Xusbiyada Siyaasada.

Dadka Somaliland waa in ay ogaadan, marka xusbiyada siyaasada la wada yeesho ayaa xukuumada ama dawlada la wada leeyahayna la helayaa.

Haddaba, qodabada ay tahay in lagu lifaaqayo xeerkani waa:

  • In gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka xusbi noqon karin musharaxa madaxwaynaha xusbiga. Haddii kale, waa inuu sanad ka hore iska casilo gudoomiyanimada xusbiga.
  • In xusbikasta loo diiwangaliyo tageerayaashooda. Waa in tageerayaasha Xusbigu soo xulan ergooyinka xusbiga (ama delegates). Kuwasi oo soo xulaya Gudida dhexe ee Xusbiga. Golaha dhexana waa in ay soo xulaan hogaanka xusbiga iyo musharaxiinta Golaha Deganka, Wakiilada iyo Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka.