Day: June 12, 2017

XIISADA TAARIKHIGA AHAYD EE KU DUUGAN DOOD UU BAARLAMANKII SOMALILAND UU YEESHAY APRIL 5, 1960-GII. DOODANI OO LAGU DOODAYAY MIDNIMADII FASHILANTAY IYO DIGNIINTA DAWLADII INGIRIISKA.

London(Geeska)-Waxa dhawaan xafiiska lagu kaydiyo qoraalada taariikhiga ah ee dunida oo ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu soo bandhigay qoraalo taariikhi ah oo ku saabsan midnimadii sannadkii 1960 dhex martay labadii dal ee Somaliland iyo Somaliya.

Waxyaabaha la soo bandhigay waxa ku jiray saddex fayl oo ku saabsan Somaliland oo uu ciwaankoodu ahaa Union of Somaliland and Somaliya oo Somali ahaan noqonaysa midnimadii Somaliland iyo Somaliya iyo weliba diiwaan weyn oo ay ku jireen doodihii ku saabsanaa arrintii midnimada oo dhex martay baarlamaankii Somaliland ee 1960, waxaana ku duugan doodihii mudanayaashii Baarlamaanka Somaliland ee la soo doortay 17 Febarwari 1960, waxaanu fadhigoodii u horeeyay qabsoomay 5 April 1960, isagoo ku qabsoomay hoolkii shirarka ee golahaas oo ah goobta loo yaqaan goodirka ee hadda hoyga u ah maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

READ MORE: http://www.economist.com/topics/somaliland

Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera: Fursadii iyo Maalgashigii Ugu Waynaa ee Somaliland Heshay‏

Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera: Fursadii iyo Maalgashigii Ugu Waynaa ee Somaliland Heshay.

Waxa aynu markasta nidhaahnaa waddanka waa in loo raadiyo cid maalgashata; si aynu fursad ugu helno in dhaqaalaha la kobciyo, dadkeena shaqo loo abuuro, la dhiso waddanka oo la sameeyo illo dhaqaale oo waawayn oo waddankeena iyo qaranimadeena xoojiya. Ujeedada ugu wayn ee Somaliland leedahay heshiiska DP World, waxa weeye inaynu dekeda Berbera u helo maalgashi lagu dhiso oo lagu qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasuna u noqoto mid kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhanaano UAE oo u noqono saaxiib wanaagsan suurto galna u noqoto in passportkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato. Taas weeye ujeedada heshiiska DP World.

READ MORE:  https://www.bloomberg.com/news/articles/2017-06-08/landlocked-ethiopia-eyes-role-in-dp-world-managed-somali-port